Dowlada Mareykanka oo ka horyimid ciidanka la geeyey Gedo.
Posted by abdi on February 25 2020 22:48:33

Wakiilka dawladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya James Swan ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii shalay.


Extended News

Wakiilka dawladda Maraykanka ee Qaramada Midoobay iyo Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya James Swan ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii shalay ka hadlay shirkii Golaha Ammaanka ee looga hadlay xaaladda Soomaaliya.


Waxyaabaha ay mas’uuliyiintan soo hadal qaadaan ayaa waxaa ka mid ah xaaladda amniga iyo doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacayaan 2020/2021.

Wakiilka Mareykanka Rodney Hunter ayaa si gaar ah u sheegay “in ciidamada xoogga dalka ee gobolka Gedo ee Jubaland loogu daad-gureeyey duulaan ay siyaasad dhiiri-gelisay” ay tahay arrin aan la aqbali karin.

Waxa uu ugu baaqay hay’adaha amniga dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay diiradda saaraan la dagalaanka Al-Shabaab, “intii ay ku mashquuli lahaayeen dagaal hubeysan oo ayaga u dhaxeeya.

 

Hargeysa Online