SOMCABLE Oo lagala noqday keenista Internetka ee keedata loogu xidhay Somaliland.
Posted by abdi on March 08 2020 23:47:29

Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland.


Extended News

Dadweynaha reer Somaliland ayaa 24 saacadood ee u dambeeyey si weyn u hadal hayey wax ka bedelka lagu sameeyey xeerka isgaadhsiinta Somaliland, taas oo keentay la buriyo xeer kooto ugu xidhayey shirkadda SOMCABLE inay keento xadhiga Internetka ee badda hoos mara taas oo la siiyey muddo ku siman sodan sanno.



Dadweynaha ayaa arrintani lama filaan ku noqotay maadaama oo mulkiilaha shirkada SOMCABLE xidhiidh dhow lahaayeeen madaxweyne Biixi, isla markaana ahaa ninkii lacagta ugu badan ku bixiyey doorashadiisii.
Mulkiilaha shirkadan kootada loogu xidhay keenista xadhiga Internetka ee Somaliland Maxamed Aw Siciid ayaa lacag badan ku bixiyey wakhtigii madaxweyne Siilaanyo doorashada ku jiray iyo markii madaxweyne Biixi doorashada galayba, waxaanay xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo abaalmarin uga dhigtay in kooto kaligii loogu xidho keenista xadhigaasi Internetka.

Xadhiga internetka waxa uu soo mariyey dhulka, isagoo ka keenay dhanka jabuuti ee Lawyo cado illaa gobolka Sool, taas oo masaafo aad u durugsan dhulka hoostiisa soo qoday, isagoo buur iyo banaanba soo mariyey, waxaana kaga baxay lacag aad u faro badan.

Sidoo kale, waxa uu ka mid ahaa maalgashiyada ugu waaweyn ee lacagta badan galiyey Somaliland, taas oo dadku is waydiinayaan sida uu uga soo kaban karo dhaqaalaha uu galiyey ee isla kaybal kale loo fasaxay in la keeno, taas oo khatar galin karta shirkadiisii.

Dadka qaar waxay ku doodayaan in heshiishkaasi lagala noqday shirkadan maalgashiga badan galisay Somaliland ay keeni karto in shirkadaha caalamiga ahina ka cabsoodaan in heshiihskooda marka la doonaba laga bixi karo sida shirkadan SOMCABLE oo kale, halka qaar kale oo badana ku doodayaan in suuqa xorta ahi ka fiican yahay ka kootada, isla markaana la heli doonno internetka ka fiican kana xawaale dheereeya kan hadda la isticmaalo, waxaanay u arkaan talaabo muhiim ah oo dhanka wanaagsan loo qaaday joojinta kootadii shirkad gaar ah loogu xidhay Internetka badda hoos mara.



Dhinac kale, mulkiilaha shirkada SOMCABLE Maxamed Aw Siciid ayaa ah nin ka soo jeedda Jabuuti ,isla markaana aanay isku fiicneen hadda madaxweynaha Jabuuti taasina ay keentay in si fudud baarlamaanku u buriyaan kootadii loogu xidhay xadhiga Internetka.

Shirkadaha waaweyn ee Somaliland iyo shirkada reer Puntland ee GOLIS ayaa soo dhoweeyey go’aankan Baarlamaanku gaadheen ee suuqa Interneka cid walba fasaxa looga dhigay inay keenaan kaybalka Internetka ah ee badda hoos mara.

Jabuuti lafteeda ayaa danaynaysa inay xadhigeedan cusub internetka keento berbera, taas oo la heshiisay waxna ka siisay xadhigeeda Internetka ee bariga Afrika ku baahinayso shirkaddo reer Somaliland laga leeyahay si ay uga hawlgalaan keenista magaalo xeebeedka Berbera.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ay xukuumaddu qaaday waxa dagaal ka dhex abuuri doonta mulkiilaha shirkadda SOMCABLE iyo madaxweyne Biixi oo waayo badan rifiiq ku ahaa dhanka siyaasadda balse imika u muuqda inay kala fogaadeen.

 

Hargeysa Online