Ganacsade Shiine ah Oo Soomaliya Ku Caawiyay Qalabka Lagu Baadho Coronavirus.
Posted by abdi on March 26 2020 23:47:47

Xukuumada Somaliya ayaa ganacsade Shiina udhashay ee ah aasaasaha Shirkada Ali Baba  uu ku caawiyay qalab lagu baadho xanuunka faraha baas ku haya caalamka.


Extended News

Xukuumada Somaliya ayaa ganacsade Shiina udhashay ee ah aasaasaha Shirkada Ali Baba  uu ku caawiyay qalab lagu baadho xanuunka faraha baas ku haya caalamka ee Coronaviruska.

 


Agabkaasi ayaa isugu jira qalabka lagu baadho xanuunka Covid19 iyo Dharka ay xidhaan dhakhaatriirta ka hawl-galla bukaanadda xanuunkaasi asiibo.
Ganacsadahan oo ah milya neer ayaa caawimaadan uu ugu deeqay dawlada Somaliya ku soo raray diyaarad ay leedahay dawlada Itooiya, taasoo ka soo degtay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Xukuumada Somaliya ayaa dhankeeda Soo dhawaysay caawimaadan ay ka heshay ganacsadaha shiinaha udhashay, taasi oo ay sheegtay in deeqdani ay baahiwayn uqabtay dawlada Somaliya inay hesho.
Somaliya ayaa qaaday talaabooyin ay kula dagaalamayso xanuunka Coronaviruska, kuwaasi oo ay kamid yihiin inay joojisay jaadkii dalkeeda soo geli jiray iyo waliba duulimaadyadii diyaaradaha.
Taajirkan ayaa sidoo kale wadamada Afrika ubalan qaaday inuu ku caawin doono qalabka lagu baadho xanuunka Coronaviruska.


Hargeysa Online