Somaliland oo baareysa dad looga shakiyey Coronavirus?
Posted by abdi on March 31 2020 00:00:16

Guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baaritaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan fayruskan.


Extended News

Guddiga ka hortagga cudurka Coronavirus ee Somaliland ayaa maanta sheegay in baaritaan lagu sameynayo saddex qof oo looga shakiyey inay qabaan fayruskan.


Dheecaan laga qaaday saddexda qof ee laga shakiyey ayaa loo diray dibedda si baadhitaan rasmi ah loogu sameeyo, ayada oo inta ka horeysana dadkan lasii karantiili doono.

Dhinaca kale, guddiga oo maanta ku shiray magaalada Hargeysa, ayaa soo saaray go’aano hor leh oo la xiriira xakameynta cudurka Coronavirus.

 

Hargeysa Online