Farmaajo oo farriin u diray bulshada, kana codsaday iney ka taxadaraan COVID-19.
Posted by abdi on April 12 2020 02:13:57

War kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay dadaal adag ku bixin-doonto sidii looga adkaan lahaa xanuunka COVID-19.


Extended News

War kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda ay dadaal adag ku bixin-doonto sidii looga adkaan lahaa xanuunka COVID-19, oo hadda illaa 21 kiis laga helay Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay Wasaaradda caafimaadka.

Qoraalkaan kasoo baxay xafiiska Warfaafinta ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu farriin  diray shacabka Soomaaliyeed isagoo  ku booriyay iney muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah, maadaama waxa keliya ee bushiga Coronavirus  looga guuleysan karo uu yahay ka hortag .

Farriinta Madaxweynaha ayaa waxaa lagu xusay in Soomaaliya oo kasoo kabaneysa daruufo adag ee lasoo maray, haddana loo baahanyahay in la fahmo awoodda dhinaca caafimaadka ah ee uu dalka u leeyahay  la dagaallanka xanuunkan .

Ugu dambeyn farriinta qoraalka ah ee Villa Somaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday ganacsatada iyo dadka wax haaysta iney garab istaagaan bulshada inteeda nugul, isagoo gabagabadiina caafimaad u rajeeyay bukaannada la xanuunsanaya COVID-19.

 

Hargeysa Online