Puntland oo dacwad kusoo oogtay wadaad sheegtay inuu hayo dawada Coronavirus.
Posted by ifraax on April 16 2020 00:44:13

Maamulka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyay wadaad sheegtay inuu dadka ka dawaynayo cudurka coronavirus. Dacwadan waxaa loo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta.


Extended News

Maamulka Puntland ayaa dacwad ka gudbiyay wadaad sheegtay inuu dadka ka dawaynayo cudurka coronavirus. Dacwadan waxaa loo gudbiyay xafiiska xeer ilaalinta.

 

Wadaadkaan oo lagu magacaabo sheikh Cabdi Xaaq, balse dadku u yaqaaniin Sheikh Rusheeye, ayaa dhawaan baraha bulshada lasoo dhigay isagoo sheeganaya inuu qur’aanka kariimka ah dadka kaga daweynayo cudurka Coronavirus.

Arrimaha lagu eedeeyay waxaa kamid ah, In uu bulshada marin habaaninayo islamarkaana uu ku shaqeysanayo cilmi uusan aqoonteeda lahayn iyo inuu dadka lacago badan uga qaato isagoo ku gambanaya qur’aanka ilaaheey.

Dacwadiisa ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii Sheikh Rusheeye uu safar ugu ambo baxay dhinaca Somaliland, isagoo qalabkiisii ka rartay magaalada Bosaso.

Wadaadkaan muddo dheer ayuu degenaa gudaha Puntland, wuxuuna caan ku ahaa inuu dadka ka saari jiray isha iyo wixii lamidka ah. Boqolaal qof ayaa addeegiisa ku xirnaa.


Hargeysa Online