Tirada dadka u dhintay COVID-19 ee Soomaaliya oo korortay.
Posted by ifraax on April 16 2020 01:16:45

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhay tirada dadka u dhintay cudurka Covid-19 oo haatan gaartay 5 kadib markii maanta lasoo tebiyey 3 qof oo cusub oo cudurka u dhintay.


Extended News

MUQDISHO(Hargeysa Online)Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay kordhay tirada dadka u dhintay cudurka Covid-19 oo haatan gaartay 5 kadib markii maanta lasoo tebiyey 3 qof oo cusub oo cudurka u dhintay.


Dawladda Soomaaliya waxay sidoo kale sheegtay in la diiwaan geliyey 20 xaaladood oo cusub oo cudurkaas ah, taasina waxay tirada guud ee dadka uu ku dhacay cudurka ee Soomaaliya ka dhigaysaa 80 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa ugu baaqday dadka Soomaaliyeed inay si saxan u qaataan talooyinka caafimaad ee qaybta ka ah qorshaha xakameynta cudurka maadaama, ayey tiri, uu cudurka si xawaare leh dalka ugu faafayo.


Hargeysa Online