Wiil Somali ah oo lagu dilay meel u dhow magaalada Seattle,Wa
Posted by abdi on April 25 2020 12:15:00

Warbixin kooban oo shalay oo Talaado aheyd lagu soo saaray bogga Twitter-ka ee Booliska degmada Tukwila oo dhinaca Koonfur daris kala ah magaalada Seattle.


Extended News

Warbixin kooban oo shalay oo Talaado aheyd lagu soo saaray bogga Twitter-ka ee Booliska degmada Tukwila oo dhinaca Koonfur daris kala ah magaalada Seattle ayaa lagu sheegay in is xabadeyn ka dhacday baloogga 14100 ee waddada International Boulevard oo nin dhallinayaro ah ku geeriyooday mid kale oo la tuhunsan yahay inuu ahaa kii wax dilay si nabad ah gacanta loogu dhigay. Boolisku ma sheegin magacyada iyo heybta labada nin ee dhallinyarada ah, balse waxa durba baraha bulshada ku soo baxayey iney labaduba ahaayeen dhalliyaro Soomaali ah.

 

 

Mar aannu wareysi telefoonka ah kula yeelannay Xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee degmadaasi Tukwila, Zak Idan, ahna xubinta kaliya uguna horreysay ee Soomaali ku yeelato gobolka Washington waxa uu inoo sheegay inuu aad uga naxay warka dhegihiisa soo gaaray isagoo marka dilkaa uu dhacay uu shir ku jiray. Wuxuu ugu baaqay culumada, waalidiinta, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada iney isu yimaadaan si mustaqbalka dhallinyarada wax looga qabto. Waxa uu Zak Idan oo isagu laftigiisu ka mida ah dhallinyaradii waddanka ku soo kortay intaa raaciyey in arrintu baaritaan ku jirto isagoo warbixin joogto ah ka hela madaxa qeyba booliska ee degmadiisa.Waxan isna la xiriirnay Ayanle Ismael oo agaasime guud ka ah hey’adda Bridging Cultural Gaps kaasi oo inta badan ku mashquulsan sidii dhallinyarada looga ilaalin lahaa iney galaan xabsiyada isagoo kala shaqeeya maxakamadaha barnaamijka loo yaqaan “Diversion Program”. Ayanle waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in bulshada Soomaalida ay isu yimaadaan kaliya marka ay wax dhacaan oo ay isla murogoodaan. Wuxuu ku booriyey waalidiinta iney adkeeyaan xiriirka ay la lahaan karaan hey’adaha sharciga si looga hortago in dhallinyartu xabsi galaan halkaasina uu magacoodu ku xumaado.Munira Mohamed oo ah madaxa hey’adda East African Community Services waxay iyaduna si tiiraanyo leh u codsatay in arrintani bulshada si dhab ah u wajahdo waxna uga qabato. Munira waxa ay intaa raacisay in farqiqa u dhaxeeya waalidiinta iyo caruurtu sii ballaaranayo loona baahan yahay in arrintani ay soo dhex gelaan kuwa iyagoo yar yar waddankan yimid waxna ku bartay kuwaasi oo dhallanyarta soo koreysa kula hadli kara af ay fahmi karaan.
Maxamuud Yusuf oo tafatire ka ah wargeyska RUNTA oo muddo dheer ku noolaa magaalada Seattle ayaa dhacdooyinkaan dilka ah ee soo noq-noqonayaa ku tilmaamay wax laga xumaado. Wuxuuna bulshada Soomaaliyeed ku nool guud ahaan gobolka Washington gaar ahaan waalidiinta in si dhab ah uga wada hadlaan sidii xal waara looga gaari lahaa dilalka soo badanayaDilkan maalintii galabnimadeedii ka dhacay deegaannada Seattle ma ahan kii ugu horreeyey oo Soomaali isu geysato. Bulshadu waxey 15kii sano ee ugu dambeeyey la daalaa dhaceysay rabshado ka dhasha falalka dhallinyaradu gacmaha kula jiraan iyadoo waalidiintuna toodii ay ku mashquulsan yihiin.
Waxa ayan darro ah in dilkani uu ka dhaco Masjidka ugu weyn ee Soomaalidu leedahay hortiisa kaasi oo lagu magacaabo Abubakar. Seattle iyo agagaarkeeda waxa ku nool Soomaali aad u fara badan oo qiyaastoodu ku dhowdahay kuwa ku nool Minnesota. Waxey madaxda bulshada magaalada u baahan yihiin iney arrimahan isaga yimaadaan si dhibaatooyinkan sii badanaya xal loogu helo.

 

Hargeysa Online