Lix qof oo ku dhintay diyaarad xamuul ah oo ku dhacday magaalada Bardaale.
Posted by abdi on May 04 2020 23:30:47

Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.


Extended News

Lix qof oo saarnayd diyaard sidday xamuul ayaa ku dhintay kadib markii diyaaraddaasi ay ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Bardaale ee gobolka Baay.


Wasiirka Gaadiidka ee Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa Hargeysa Online u sheegay in laba ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen Soomaali. Weli lama shaacin dhalashada dadka kale.

Sababta dhalisay inay diyaaradda soo dhacdo ayaa la baarayaa.

Diyaaraddan ayaa daawo iyo agab kale oo ay ka mid yihiin sesenyeeri u sidday magaalada Bardaale.

Mas'uul ka tiran shirkadda diyaaradaha Afarican Express ayaa idaacadda Hargeysa Online u sheegay in diyaaradda ay shirkaddu leedahay isla markaana ay daawooyin gaysay magaalada Bardaale ee Gobolka Bay.

Wararka aanu ka helnay laba ilo wareed ayaa Hargeysa Online u sheegay in diyaaraddu ay ku dhacday meel u dhow garoonka.

Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Muqdisho iyadoo sii martay magaalada Baydhaba kadibna uga gudubtay magaalada Bardaale.

 

Hargeysa Online