Soomaaliya oo shaacisay 34 kiis oo cusub oo COVID-19 ah.
Posted by abdi on May 04 2020 23:44:00

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay dalka laga diiwaan geliyey 34 kiis oo cusub oo cudurka COVID-19 ah.


Extended News

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay dalka laga diiwaan geliyey 34 kiis oo cusub oo cudurka COVID-19 ah, ayada oo 3 qof oo kale ay u dhinteen.


Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 17 qof oo ka mid ahaa dadkii qabay xanuunka ay kasoo bogsadeen.

Wasiirka caafimaadka Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 26 ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin rag, halka 8-da kale ay yihiin haween.

Waxay sidoo kale sheegtay in 27 kamid ah bukaannada cusub laga diiwaan geliyay magaalada Muqdisho, halka 7 kalana ay ku sugan yihiin deegaanada maamulka Puntland.

Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka uu ku dhacay COVID-19 ee Soomaaliya ay hadda tahay 756 qof, ayada oo 35 ay dhinteen, halka 61 ay kasoo bogsadeen.

 

Hargeysa Online