COVID-19 oo Soomaali badan kusoo ritay St. Cloud, Minnesota
Posted by abdi on May 06 2020 00:50:30

Magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa xanuunka COVID-19 uu soo ritay Soomaali badan.


Extended News

Magaalada St. Cloud ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa sida ay wararku sheegayaan waxaa xanuunka COVID-19 uu soo ritay Soomaali badan oo magaaladaasi daggan.

 

Soomaalida ayaa badankeed la sheegay inay xanuunka markii hore ka qaadeen goobaha shaqada kadibna ayaga oo aan fahamsaneyn inay qabaan xanuunkam ay ayaga isa sii qaadsiiyeen.

Dadka uu dhacay waxaa ka mid ah Axmed Cali oo u adeega bulshada Soomaalida, kaasi oo sheegay inuu ka qaaday qaar ka mid ah bulshada oo uu u adeegayey.

 

Hargeysa Online