Inta badan dunida Muslimka oo laga ciiday maanta.
Posted by abdi on May 24 2020 22:05:13

Inta badan dalalka Islaamka ayaa maanta waxaa u billowday dabbaal-degga maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga, kaddib markii ay shalay buuxiyeen 30-ka bishii Ramadan.


Extended News

Inta badan dalalka Islaamka ayaa maanta waxaa u billowday dabbaal-degga maalinta 1-aad ee Ciidul-Fitriga, kaddib markii ay shalay buuxiyeen 30-ka bishii Ramadan.

 


Dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ayaa maanta laga ciiday,inkastoo uu ciiiddan carqaladeeyay cudurka Coronavirus.

Waxaa iyana laga ciiday dalalka Turkey, Pakistan, Indonesia, Malaysia, Iran, India iyo kuwa kale.

Sidoo kale inta badan Muslimiinta ku nool America, Canada iyo Australia ayaa maanta u dabbaal-degay maalinta koowaad ee Ciiddul Firtriga.

Sabtidii shalay ayaa waxaa laga ciiday dalalka Soomaaliya, Ethiopia, Tanzania, Kenya, Mali, Mauritania, Senegal iyo Morocco iyo qaar ka mid ah muslimiinta ku nool dalal ku yaalla Yurub iyo waqooyiga America.

Ciidan ayaa aad uga duwanaatay kuwii hore, sababtoo ah inta badan muslimiinta ayaanan salaadda ciidda ku oogin masaajidadda, sababo la xiriira cudurka Covid-19 oo caalamka fara ba’an ku hayo.

 

Hargeysa Online