Askar kale oo lagu soo oogay dacwado la xiriira dilka George Floyd.
Posted by abdi on June 04 2020 22:49:20

Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd.


Extended News

Xeer ilaalinta gobolka Minnesota ayaa dacwado kusoo oogtay saddex askari oo wehliyey askariga caddaanka ah ee lagu eedeeyey inuu dilay George Floyd, oo ahaa nin kasoo jeeday bulshada madow ee Mareykanka.

 


Xeer ilaalinta ayaa sidoo kale sare u qaaday darajada eedda dilka loo haysto askariga la eedeeyey ee muuqaallo la baahiyey la arkay isaga oo luqunta jilibka kaga haya George Floyd oo dhulka yaalla, kaasi oo halkaas ku dhintay.

Eedda loo haysto askariga dilka ku eedeysan oo markii hore ahayd darajada saddexaad ee dilka, ayaa waxaa hadda lagu soo oogay dacwad ah darajada labaad ee dilka.

 

Hargeysa Online