Soomaalida ku xayiran Uganda oo dalka dib loogu celinayo
Posted by abdi on June 04 2020 22:58:18

Mas’uulyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa dalkaasi ka billaabay daddaallo ay ku caawinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi.


Extended News

Mas’uulyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa dalkaasi ka billaabay daddaallo ay ku caawinayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku xayirnaa bilihii lasoo dhaafay ee uu saameeyay go’aanadii ay dowladda Uganda ay ku joojisay duullimaayadii diyaaradaha ee looga hor tagayay faafitaanka cudurka COVID-19.

 

 

Wadanka Uganda ayaa kamid ah wadamada ay ku nool yihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo xilligan dareemaya saamaynta uu Ganacsigoodii uu ku yeeshay cudurka Coronavirus iyo go’aanada ay dowladda dalkaasi ay soo rogtay ee ay uga hortagayso faafitaanta cudurka.


Hargeysa Online.