Kor u qaadida sumcada qaarada afrika iyo Mida Somaliland
Posted by ifraax on June 14 2020 09:42:27

Waxaan dhagaystay nin baryahan danbe hadaladiisa aan aad u daneeyo oo la yidhaa AKON. AKON waa nin Maraykana oo ku dhashay Senegal, Afrika.


Extended News

Waxaan dhagaystay nin baryahan danbe hadaladiisa aan aad u daneeyo oo la yidhaa AKON. AKON waa nin Maraykana oo ku dhashay Senegal, Afrika.
Lakiin ku koray dalka Maraykanka.

Ninkani waxaa uu yahay Fanaan, Abwan iyo maal qabeen Maraykan iyo caalamka oo dhan laga yaqaano.
AKON waxuu dib ugu laabtay oo uu dagan yahay dalkiisa hooyo ee Senegal. Waxaanu ka hirgaliyay mashruucyo badan oo uu ka mid yahay Lighting Africa, oo ah sharkad laydhka ka dhalisa cadceeda oo uu ka shaqaysa dalalka Galbeedka Afrika. Waxaa kale oo hirgliyay lacagta dhigital-ka ah (ama digital money) ee AKION. Lacagtani oo lagu isticmali doono dalalka Afrika iyo calamkaba. Siday ku socoto calamku wuu ka baxayaa lacagta dawladuhu maamulan, sida Dollar, Euro iyo kuwa la mida. Lacagtani digital-ka ahi waxay u fududaynaysa dalalka Afrika in iyaga oo lacagtooda isticmalaya ay wax ka iibsan karan dalal kale. AKON waxaa kale uu Senegal ka wada dhismo magaalo mustaqbalka (Futur city). Magaladani oo noqon doonta mid dhismayaal casriya leh, oo Internet aad u fiican (fast Internet), iyo laydh cadceeda ku shaqaynayo lagu isticmaali doono.
 Haddaba, qudbada uu AKON, ka jeediyay fagaare dhalinyaro dalalka Afrika oo dhan ku kulmeen, ayaa wuxuu kaga hadlay kor u-qadida sumcada qarada Afrika, ama “Branding and Marketing of Africa” waxa afka Engiriisi lagu yidhaa.
AKON waxaa uu dhalinyarada Afrika u sheegay, haddii aad rabtaan in horumar qaaradani gadho, waa in aydun ka hawl gashan siddii sawirka calamku ka haysto qarada Afrika u badali lahaayeen. Haddaba, aniga oo si kooban u turjimaya hadaladiisa, isla markana macnaynaya ahmiyada talooyinka Akon ay u leedahay guud ahaan qarada Afrika, gaar ahaana Somaliland ayaan qoralkani ku soo bandhigi.
Akon waxaa uu hadalkiisa ku bilaabay, aduunyadani waxay isku dhaaftay kor u-qaadida sumcada fiican, ama BRANDING and MARKETING.
Kalmada ‘BRAND’ waxa afka Somaliga ku noqonayaa Sumad, sida sumada Geela lagu dhigo oo kale, ama sumada ay sharkadi leedahay. Halka ay ‘BRANDING’ noqonayso kor u qaadid sumcada sharkad iyo alaabta ay sharkadu  samayso. “Marketing” waa suuq gayn, ama xayaysiinta alaab sharkadi leedahay. Haddaba, marka sharkadi samayso alaab, si dadka u iibsadan alaabtooda way xayaysii, si sumcad alaabtoodu u fiicnato.
 Coca Cola, Toyota, iyo Apple waxay ku midaysan yihiin waa sharkadaha caalamka oo dhan laga yaqaan oo sumcada fiican aduunka ku leh. Tusaale ahaa, Coca Cola waa sharkada sharabka lacabo ee ugu wayn uguna caansan caalamka. Waxaana laga yaaba in sharabkeedu ka fiicnayn kuwa kale. Lakiin waxay sameeyeen xayaysiisyo badan, waxaanay calamka oo dhan ka dhaadhiciyeen in ay iyagu ugu fiican yihiin. Tasina waxay u samaxday in caalamka oo dhan laga iibiyo sharabkooda, sidan dhaqaalo badan uga helaan. Sidaasi oo kale, ayaa sharkada Apple uga dhaadhicyeen calamka in telefoonkeeda Iphone iyo Kombutaradeeda ugu fiican yihiin calamka.
Haddaba, ‘BRANDING and MARKETING’-ku kuma koobna oo kaliya alaab la iibsado, lakiin dalalkuna way u bahan yihiin, oo way sameeyan. Akon waxaa uu yidhi dalka Maraykanku wuxuu kalinta kowad ku haysta sida loo sameeyo ‘BRANDING’-ka. Waxay calamka ka dhaadhiciyeen in ay yihiin ‘Dhulka xorta iyo Geesiyaasha’ (ama The land of the free and the home of braves). Qofkastan waxuu doonayo ama ku riyoodo inuu heli karo.
Waxay calamka ka dhaadhiciyeen in ay iyagu caalamka oo dhan ugu fiican yihiin. Waxa dalkooda lagu sameeyan ka fiican yahay kuwa wadamada kale. Taasina waa ta keentay in sharkada Coca Cole, Apple, Google, UBER, FACEBOOK iyo kuwa kale oo badan ay noqdan Maraykan. Tani waxay keentay in calamka qofka aqoon is bida uu Maraykan ugu guuro. Maal qabeenada aduunkuna u maal gashadaan. Taasina waxay keentay in wax badan oo calamka lagu isticmaalo lagu curiyo ama abuuro Maraykan. Sharkadaha Maraykankuna noqdan kuwa sumcad fiican ku leh calamka oo dhan.
Haddaba, Akon isaga oo la hadlaya dadka filimada sameeya iyo wariyayaasha Afrika ayaa waxuu u soo jeediyay in iyaga looga fadhiyo siday calamka ugu sheegi lahaayeen sheekooyinka fiican ee Qarada Afrika ka jirta, si loo bado sawirka xun eey ka gudbiyeen kuwa neceb in qaaradani hore marto.
Isaga oo la hadlaya wariyayaasha iyo dadka wax qora, ayaa waxuu ku yidhi, idinka ayaa calamka u doori kara waxa Qaarada Afrika ka jira ay tahay in ay arkan. Idinka ayaa arka sawirka fiican, iyo ka xunba. Lakiin waxa adigu u doorto ayay calamkuna arkayaan.
Waxaan idiin sheegaya in dadka ku dhinta magalada Chicago, ee dalka Maraykanka ay ka badan yihiin kuwa ku dhinta magalada Ciraaq, lakiin waliga ma arkaysan. Wax badan oo Maraykan ka dhaca waligiin idinku ma arkaysan, wayo waxa iyaga (warbaahintooda) ka go’aan in ay soo xula waxa ay iyagu doonaya in idinku (ama calamku) arko. Waayo waxay ilaalinayaa sharafta qarankooda, iyo sumada dalkooda. Qoysna dibada umma soo bandhigo ceebtooda.
Halka ay Afrikanku marka uu wax yar ee dalkooda ka dhaco, ay markiiba xaga xun ka eegaan, oo sheeko xun ka gudbiyan, Internetka galiyan. Warbaahinta calamka oo markii horeba wanaag ka shagaynin Afrika ay soo dabacayaan ama wariyan.
Tusaale ahaan dalka Kenya, mar ama laba goor ayay argagaxiso wax ka samaysay. Iminkana dadku ma raban in ay Kenya tagaan, waayo dhawr qof ayaa lagu toogtay suuq (ama mall). Lakiin, Maraykan waxaa ka dhacay 25,000 oo toogasho, waxa laga yaaba in dhawr kaliya aydun maqasheen. Sida daradeed waxaan u bahan nahay in aynu kor u qaadno ooynu saxno sumcada Afrika (ama RE_BRANDING).
Marka aad eegto sida ay aduunku u arkan Afrika, waxay ku tusayaan Dameer dibadeedyo, iyo Libaaxyo. Qofka aan arag Afrika waxuu is odhanaya Afrika waa kayn wayn oo xoolaha duurjoogtu ku noolyihiin. Sawirkani waa mid tariikh hore ka turjimaya, markii dadku waranka iyo gashanka ku dagaalamayeen. Halka ay Maraykanka ku tusayaan sawiro iyo filmo Super Man iyo Bat Man, oo ah nin ama rag cajiiba oo Maraykana oo sida dayuurada duulaya wax kasta si fudud ku qaban kara. Hadaba, mee Super Man-kii iyo Bat Man-kii Afriki?
Haddaba, idinka (wariyaasha, iyo film-curiyayaasha) ayaa la idinka raba in ay calamka u gudbisan sawir ka diwan kuwa ay iminka haystan. Buugagta isguulada Maraykanka lagu dhigo oo dhani waa dad cad, xataa dhaqamada dadka kale intay qaatan ayay ka dhigan in ay iyagu leeyihiin ama dad cad sameeyeen. Sida daraadee, waa in Afrika bartan tariikhdooda, una sheegan dhalintooda iyo jiilasha soo socda waxyaabaha fiican ee ka jira Afrika iyo guulaha ay gadheen. Hawshana cida ay u taala waa idinka, khasatan kuwiina Filimada sameeya, si calamku ugu bandhigtan shakooyin fiican ee dadka Afrika.
Haddaba, waa in aynu markasta ka fakirno sumcadeena iyo sawirka Afrika laga bixinayo sida uu u ekaanayo. Lakiin, marka aynu ogalaano dhacdooyin-keena iyo taariikhdeena in ay dadkale qoran, ama inoo sheegan, waxa aynu markaa ogalanay in ay inag gudbiyan sawirka ka turjimaya ujeedo ama ajanda (agenda) iyaga faa’iido ugu jirto. Sida daraadeed, waa in aynu “INAGU” qorno, ama sheegno dhacdooyinkeena si ujeedo ama ajanda (agenda) inaga faa’iido inoo leh uga gaadhno.
AKON waxuu ku soo gaba gabeeyay in shaqada wariyayaasha, kuwa filmada sameeya, iyo abwanada ay tahay in dib u saxaan sumcada qaarada Afrika. Waa in aynu calamka tusno sumcad fiican ee dalalkeena iyo sharafta dadkeena, si tasi u dhaliso in dadku ka cabsoon imaatinka iyo maalgashiga Qaarada Afrika.
Haddaba, anigu waxaanan ku soo gaban gaban lahaa, haddii aynu muwadaniyiinta Somaliland nahay in aynu halka AKON uu Qaarada Afrika ka leeyahay, u badalno Somaliland. Waayo, marka aad xafadaada, magalada iyo dalkaaga hagaajiso ayaad qarada Afrikina hagagaysa.

SOMALILAND HA NOOLATO !!!!
OMAR A. YOUSUF
Omaryousuf455@gmail.com
WWW.DANQARAN.COM