Wadahadalkii Somaliland iyo Somaliya ee ka dhacey Djibouti oo la soo gabagabeeyey.
Posted by xaaji on June 14 2020 23:26:52

Waxaa magaalada Djibouti ku soo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.


Extended News

Waxaa magaalada Djibouti ku soo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay furmaan kulamo farsamo ah, sida uu Hargeysa Online u sheegay ilo wareed diblomaasi ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin kuna sugan Djibouti.

 


Goobjoogayaal ayaa Hargeysa Online u sheegay in aaney jirin waqti loo cayimay in wadahadalladan lagu soo afjaro, balse ay wadaadaladu furan yihiin.

Shirkan oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wufuud kala duwan oo ka kala socday Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, iyo ra’iisulwasaaraha dalka Ethiopia, Aby Axmed.

Markii uu shirkani soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo kulankan ku tilmaamay fursad qeyb ka ah nabadeynta Soomaaliya.

“Haddaanu nahay reer Jabuuti, waxaan had iyo jeer ku rajjo weynahay in walaalaheenna Soomaaliyeed ay heli doonaan waddo ay ku wada shaqeeyaan, mar walbana waan idin garab taagannahay, si aan u caawinno kobcinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee dan u ah qof walba,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale, waxaa saxaafadda la hadlay Ra’iisulwasaare Aby Axmed oo sheegay in meelo dunida ah laga heshiiyey dhibaatooyin ka waaweyn kuwa dhexyaalla Soomaaliya iyo Somaliland, loona baahan yahay in dhinacyadu ay sii wadaan wada xaajoodkooda.

Haddaba, gababadii kulankan iyo hadalladii ay jeediyeen madaxda shirkan ka qeybgashay waxaa Caasha Cuud ay ka wareysatay wariyaha Hargeysa Online, Ramadaan Muuse Jaamac.

 

Hargeysa Online