Timir laf baa ku jirta, wixii la qariyaana cakaaruu iman.
Posted by xaaji on June 16 2020 11:31:33

Timir laf baa ku jirta, wixii la qariyaana cakaaruu iman. Umadda Somaliland go’aankeeda ku aadan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya


Extended News

Timir laf baa ku jirta, wixii la qariyaana cakaaruu iman. Umadda Somaliland go’aankeeda ku aadan wadahadalada Somaliland iyo Somaliya, ee dastuuriga ah waa “Midnimo Danbe Maya”

 


Walaalayaal, dawladahan faraha kula jira arimaha ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya, waxay isku qanciyeen in la soo gaadhay, oo lagu soo dhawaaday, goortii umadda Somaliland lala hor iman lahaa, oo loo soo badheedhi lahaa, wax lidi ku ah jiritaanka iyo gooni isu-taaga Somaliland. 

Umadda Somaliland, iyaga oo ayna cidi qasbin, oo xiskooda iyo maankoodu u dhan yahay, waxay go’aan dastuuri ah isla qaateen midnimo danbe wixii la isku odhan jiray Somaliya “Maya”.  Waa hadal cad.  Hadaba waa yaabe, maxaynu ka filan karnaa shirkan ka socda Jabuti?

Waxaynu ogayn, in madaxweynaha Somaliland intuu aayar iska dhaqaaqay kaligii, Addiss Ababa kula kulmay madaxwaynaha Somlaiya, lana soo guryo noqday, fariin ah: raisal wasaaraha Ethiopia iyo madaxweynaha Somaliya ayaa inoogu imanaya Somaliland.  Hadda si iska fudud. Yaa ku yidhi awood noocaas ah ayaad leedahay, Bal adba.  Markii ay xukuumaddu aragtay in warkaasi, uu umadda ku noqday fajac iyo af kala qaad, halkii ay ahayd, in xukuumaddu macnayso waxan ay qarinayso, wuxuu madaxweynaha Somaliland umadda la hor yimid, hadal caadifadaysan oo uu ku soo xidhay “Doqon baa halkii lagu qatali qoorta soo dhigane, ma anigaa mindiyo la ii qarshaa la igu qatali doono ….” Madaxweyne adigaa tagay Addiss Ababa, Addis Ababa inooma iman, kamanaad jawaabin su’aalaha ka soo baxay safarkaagii kadiska ahaa sida:  waxaad kaligaa ka doontay Ethiopia, sida deg-dega ah ee aad u dustay iyo waxa laguu soo yeedhiyey toona.

Iyadoo umadda maankoodu wali ku soo noqnoqanayo safarkaas layaabka lahaa, ayaa waxaa Jabuti ka furmay shir mugdi badani ku gadaaman yahay. Marka laga yimaado khudbadihii wanaagsanaa ee shacabka Somaliland loogu talo galay, waxaa isweydiintu tahay: guddidiyada farsamadu maxay ka wada hadlayaan?  Maxaa miiska u saaran? Arimaha la falanqaynayo, maxaa loo qaraniyaa?

Umadda Somaliland, oo si dhaw isha ugu haysa shirkan, waxay ka warhayaan, in shirku ku soo dhawaanayo sidee baynu dib ugu midownaa, oo aad moodo waxa la isku hayaaba inay tahay: Inagoo laba wadan ah aynu midowno, iyo maya eh, idinkoo laba gobol ah, nala midooba.

Umadda reer Somaliland waxay xukuumdda farysaa in ay ka fogaato dhiraandhirin kasta oo ku biyo shubata midnimo kale.  Hees baa odhan jirtay “ceesaantii madax shabeel leeftaa … malageedii baa gaalay”.  Waar hooy, go’aankaa shacbi, oo aad ku safaadaan, waxaad ku mudan doontaan danbi qaran, oo aan naxariis lahayn.

Somaliland kama galayso gorgortan, kamana noqonayso go’aankeeda gooni isu-taaga ahaa. Waxaa xukuumaddan la gudboon in aanay dhayalsan, oo ayna farafarayn rabitaanka umadda.

Alahayoow sir ma qabe adaa u sahan ah. Alahayooow Somaliland rabitaankeeda u dhiib.


Abdirizak Jama

Calgary.