Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay heshiiska lagu gaaray Jabuuti.
Posted by abdi on June 18 2020 22:16:23

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay shirkii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday dalka Jabuuti oo xalay lasoo geba-gebeeyey.


Muuse Biixi ayaa u mahad-celiyey dalalka Jabuuti iyo Mareykanka oo shirkan gacan weyn ka gaystay. Wuxuu sidoo kale ka hadlay caqabadaha shirka uu wajahay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Hargeysa ayaa aragtidooda ka dhiibtay heshiiska la gaaray.

 

Hargeysa Online