Taariikh nololeedka AUN Marxuum Mohamed Baashe Xaaji Hassan.
Posted by abdi on June 19 2020 22:03:43

Waxaa saaka iga nixiyey geerida saaxiibkay Maxamed Baashe Xaaji Xasan Diiriye Maxamed. Maanta oo ah June 18, 2020 ayuu hoygiisii rasmigga ahaa ku noqday.


Extended News

TAARIIKH KOOBAN IYO WAAYAHII – MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN DIIRIYE MOHAMED

Baadiyo socoodkeed
Nin baxnaaninaayoo
Beydkiisa khayrkiyo
Bar lagu soo hirtiiyoo
Beel daajiyaa tahay.
Waxaa saaka iga nixiyey geerida saaxiibkay Maxamed Baashe Xaaji Xasan Diiriye Maxamed. Maanta oo ah June 18, 2020 ayuu hoygiisii rasmigga ahaa ku noqday isagoo ku geeriyooday magaaladda London ee wadanka Ingiriiska.
Geeriddu waa xaq waana halka inoo danbeysa.
Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo.
Samir iyo iimaan Ilaahay ha ka siiyo carrurtiisii, xaaskiisa Siciida, qoyskiisa, ehelkiisa, iyo qaraabadiisaba.
Wuxuu ahaa shakhsi aan si wanaagsan u garanayo ilaa muddo 40 sanadood ku dhow-dhow oo aan caruurnimaddii iskuul wadda dhigan jirnay weliba xilligii dugsiga sare ee magaaladda Hargeysa.
Maxamed-Baashe wuxuu ahaa Qoraa weyn oo 5 buug oo tayo leh qoray oo la daabacay. Waxay kala yihiin
1. Hal ka haleel- Hadraawi
2. Guri waa Haween,
3. Hal aan Tebayey – Afqalooc
4. Afka Hooyo waa Hodan
5. Iyo Buuggiisii ugu danbeeyey ee Hal Tis Qaaday ee uu ka qoray Abwaan Cali Sugulle. Wuxuu ahaa Suxufi ilaa shahaadda Masters Degree(shahaadadda labaad) ee ku saabsan Saxaafadda ka soo qaatay wadanka Jukuslafaakiya ee barigga Yurub.
Maxamed wuxuu ahaa halgamaa, aftahan suugaan dhaadhi ah, halabuur tixda iyo tiraabtaba sameeya, mufaker xaruuri ah oo dareenkiisa ka daacad ah.
Shakhsi Ilaahay hibooyin faro badan ku maneystay.
Maxamed Baashe wuxuu ka soo jeedaa qoys aftahanimadda hiddo u leh. Maxamed Baashe awoowgii wuxuu ahaa ninkii garyaqaanka weyn ahaa ee Ina Sanweyne.
Dhinaca hooyadiina waxaa awoow ugu toosnaa labaddii halgamaa iyo gabyaa ee Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo Ismaaciil Mire.
Maxamed Baashe wuxuu ku dhashay deegaanka Meygaagle ee duleedka Sacmadeeqo oo ka tirsan degmadda Buuhoodle xilli ku beegan 1965 kii.
Malcaamadda Baldhiig buu ka bilaabay.
Wuxuu noloshiisa iskuulka ku soo koray magaaladda Hargeysa (ciyaala Dunbuluq).
Wuxuu iskuulka hoose ka baxay Qudhacdheer, dugsigga dhexe Wuxuu ka baxay Biyo-dhacay. Wuxuu waxbarashaddii dugsiga sare ku qaatay Iskuuladda Faarax Oomaar iyo Gacan Libaax. Aniga waxaanu wada dhigan jirnay dugsigga saree e Faarax Oomaar ee magaaladda Hargeysa 1982 kii.
Wuxuu ahaa kalaaska T da, halka aan aniguna ka ahaa kalaaska B da. Maalin kasta oo Khamiis ah ayaanu xaafadayadda wax ku wada akhrisan jirnay isaga iyo dhalinyaro ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan Maxamed Faarax (Jeylaani) iyo Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo) oo kol danbe nagu soo biiray.
Wuxuu ahaa arday firfircoon oo tacliinta ku fiican mar walbana ardayda safka hore imtixaanaadka ayuu ka mid ahaa.
Maxamed Baashe, aniga iyo dhalinyraddii iskuuladda magaaladda Hargeysa weliba gaar ahaan bahdayadii Faarax oomaar waxaanu ka qayb galnay dhagax tuurkii ka dhacay magaaladda Hargeysa ee banaanbaxa iyo rabshadaha isugu jireen kolkii dilka lagu xukumay dhalinyaraddii UFO ee doonayey inay hagaajiyaan dhakhtarka magaaladda Hargeysa. Xukuumaddii xiligaasi oo u aragtay arrin iyadda dadka lagaga horkeenayo waxay ka qaadatay go’aan aan wanaagsaneyn oo kolkii danbena horseeday kolkii ugu horeeysay taariikhda in xukuumaddii adkeyd ee Maxamed Siyaad Barre oo aan weligeed lagu mudaharaadin in lagu sameeyo mudaharaad kala joogsan waayey oo ay xataa Kaarayaal dariiqyadda keentay.
Subaxii xukunkoodu dhacay ee dhagaxuna bilaabmay Maxamed Baashe, aniga, iyo dhalinyaro badan oo dhamaan iskuuladda Hargeysa waxaanu nimid Maxkamadda magaaladda Hargeysa oo uu dhagaxtuurku ka bilaabmay waanu wada soconay marxuumka.
Maxamed Baashe oo lahaa dareen ka sareeya intayadii isku iskuulka ahayn wuxuu 1983 kii anagoo iskuulka dhigana u talaabay xaggaa iyo Itoobiya isagoo ku biiray jabhaddii SNM. Halka aan anagu ahayn qaar weli wacyiga siyaasiga ah aan u bisleyn oo weli tacliintooda iyo inay kubad ciyaaraan uun ku jira inkastoo aanu aad u yaryareyn, Maxamed Baashe wuu naga duwanaa kolkaa mar qudha ayuun baanu ka war helnay inuu ninkiiba idaacaddii Halgan ee SNM uu kaba noqday weriye.
Maxamed Baashe oo kolkii danbe deeq waxbarasho helay ayaa u boqoolay waddanka Jukuslafaakiya 1987 kii isagoo ka ambobaxay xagaa iyo Itoobiya iyo Raadyow Halgan.
Wuxuu degriigiisii koowaad iyo kiisii labaadba ku dhameystay waddankaasi Jukuslafaakiya 1993kii Jaamacadda the Charles University Oo uu shahaadadda Masters degree ka qaatay. Ka dib wuxuu u soo guuray waddanka Holland oo aan anigu kolkii ugu horeysay mar kale kula kulmay saaxiibkay Maxamed Baashe sanadkii 1995kii mar aan shaqo u tegay waddanka Holland anigoo ka tegay waddanka Maraykanka.
Maxamed Baashe Wuxuu maqaalo tiro badan ku daabacay Wargeysyadda adduunka.
Maxamed Baashe sanado ka dib wuxuu u soo wareegay waddanka Ingiriiska oo ku noolaa ilaa dhimashadiisa maanta, kolka laga reebo dhowr sanadood oo uu Hargeysa soo joogay ahaanaa agaasimaha TVga Star.
Mida kale Maxamed baashe sanadihii ugu danbeeyey ee noloshiisa wuxuu ahaa shakhsi u xuubsiitay siyaasadda.
Kolkii hore wuxuu ka mid ahaa gudiddii qortay barnaamij syaasadeedkii xisbigga Kulmiye ee lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici. Gudidaasi oo uu hormood u ahaa Prof Axmed Ismaaciil Samatar, halka Maxamed Baashena uu ku xigay.
Maxamed Baashe wuxuu aad uga biyo diiday hirgelin la’aantii barnaamijkaasi kolkii danbena wuxuu qaatay go’aan ahaa inuu bilaabay barnaamij la yidhaahdo “Mar kale iyo Midnimo”. Intii ku raacday iyo in badan oo kaga soo horjeesatayba waxay qirayaan inuu Maxamed Baashe ahaa shakhsi go’aan adag, geesi ah, kudhac leh, aftahan ah.
Intayaddii taqaanay ilaa yaraantiisii ee saaxiibadda dhowdhow ahaayeen waxaanu qiraynaa inuu ahaa shakhsi wanaagsan oo saaxiibtinimadda yaqaana, wanaaga la jecel dadka, dadka midhkooda siiya oo aan ahayn anaani, shakhsi dulqaad badan oo daacad ka ah waxa uu afka ka sheegayo, shakhsi iimaan, cibaado iyo Alle ka cabsi leh, shakhsi jecel wanaaga ummadiisa, Aabo fiican iyo oday reerkiisa si fiican u dhaqda, nin Ilaahay maskax iyo murtiba ku maneystay.
Wuxuu ifka kaga tegay xaaskiisii Siciido iyo 4 caruura. Inaalilaahi wa inaa ileyhu raajicuun. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo waxaan ku xidhayaa tuducyo ku jiray Maanso dheer oo kaftan ahayd oo aan u tiriyey isaga 2009 kii mar uu iga caawiyey daabacaddii buugaygii ugu horeeyey magaaladda London.
Waa Ilaahay mahaddii in isagoo nool aan tixdaasi buugaygii ugu soo daabacay.
Haddaan dhowr tuduc ka soo qaatana, waa sidan:
Baadiyo socoodkeed
Nin baxnaaninaayoo
Beydkiisa khayrkiyo
Bar lagu soo hirtiiyoo
Beel daajiyaa tahay.
Barbarkaad istaagtana
Biyahaad ka moostaa
Ceebtaad ka beeydhaa
Wanaaggaad ku beegtaa
Biimaad u geli lahayd
Saaxiibkaaga boqranee
Bogga aad ka jeceshahay.
Waxa tahay bulshaawigii
Naxwahiisu bilan yahay
Baaqiisu wacan yahay
Bakhaylnimo ka dheeroo
Balliyada culuuntana
Buugtiyo Tariikhaha
Kuna biiriyey ummaddo
Qalinkiisa loo bogey.
Ileyn bixiso weeyee
Xaasid cid u bixinoo
Beenawaas rasmiiyoo
Buun buun yaqaanoo
Keligiis is boqrayoo
Barashadiis khasaartana
Bahdaaduba ka dheeroo
Ilaah iguma beegine
Boggaan kaa mahadiyaa.
Saaxiibkay Baashow
Beerkaygii lamaanoow
Buudliyihi buugtoow
Bartilmeedki dhallintoow
Birma-geeydahiiyoow,
Mahad baaxad weynoo
Burjigeedu niyaddiyo
Beerka uu ka soo go'ay
Baan kuu hayaayoo
Bisinkiina raacshee
Ilaahba beddelkeediyo
Boqranoo bad kuu siin
Bishaariyo ficiilkeed
Nolol aad ka bogatiyo
Bogga ubad ku salaxiyo
Baxsantii Siciidiyo
Barwaaqiyo khayr badan.
Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo saaxiibkay Ilaahay godka haw nuuriyo shakhsi wanaagsan buu ahaaye.
Inaalilaahi wa inaa ileyhu raajicuun shakhsi weyn baa inaga baxay.

    Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen