Soomaaliya oo diiday inay jawaab ka bixiso hadalkii xanafta lahaa ee Trump kasoo yeeray.
Posted by abdi on June 23 2020 04:00:38

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.


Extended News

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida.

 

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la'aan, amni la'aan ah iyo  boolis la'aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka kongarayska.
Hargeysa Online ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump.
Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.

 

Hargeysa Online