Trump oo hakiyey cunaqabateyn Shiinaha loo saari lahaa Muslimiinta Uighur.
Posted by ifraax on June 26 2020 10:21:21

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyey cunaqabateyn adag oo uu ku soo rogi lahaa saraakiil ka tirsan dowladda Shiinaha.


Extended News

WASHINGTON — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hakiyey cunaqabateyn adag oo uu ku soo rogi lahaa saraakiil ka tirsan dowladda Shiinaha oo lagu eedeeyey tacaddi ka dhan ah Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Uighur.


Sababta ayaa lagu sheegay in laga baqay in ay tallaabadaasi dib u dhac ku keento wadaxaajoodka ganacsi ee lagula jiro Beijing, sidaasina waxa uu Trump ku sheegay wareysi lala yeeshay oo la daabacay Axaddii.

“Waxaan ku dhex jirnay heshiis ganacsi oo mug leh. Waxaan sameeyey heshiis ballaaran oo ku kacaya adduun dhan $250 bilyan oo wax iibsi ah,” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyey warbaahinta Axios isaga oo ka jawaabayay weydiin ku saabsaneyd sababta uusan u dhaqan gelin cunaqabateyn dhaqaale oo lagu soo rogay saraakiisha xisbiga shuuciga ah ee lala xiriirinayo xadgudubyada ka dhacaya gobolka Xinxiang.

QM ayaa ku qiyaastay in ka badan hal milyan oo Musliim ah in lagu xiray xerooyin ku yaalla gobolka Xinxiang. Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeysay in ay dadka muslimiinta ah kula kacdo falal isugu jira jirdil iyo xadgudub.

Shiinaha ayaa beeniyay in si xun loola dhaqmay muslimiinta Uighurs, isaga oo sheegay in xeryahaasi lagu bixiyo tababaro xirfadeed ayna gacan ka geystaan la dagaalanka xagjirnimada.

 

Hargeysa Online