Somalidu Maxay ugu ducaysaa Qof dembiile ka ah xagga eebbe (Swt)
Posted by abdi on July 07 2020 10:22:33

Suuradda An-Nisaa, Aayadda: 93, waxaa Eebbe (SWT) u ballanqaaday inuu Naarta Jahannama uu ku waarayo qofka kas ama ulakac nafta uga jara qof Muslim ah.


Extended News

Suuradda An-Nisaa, Aayadda: 93, waxaa Eebbe (SWT) u ballanqaaday inuu Naarta Jahannama uu ku waarayo qofka kas ama ulakac nafta uga jara qof Muslim ah, oo weliba Eebbe (SWT) intuu u cadhoodo oo naclado u diyaariyo Cadaab Weyn. Waa run oo Eebbe (SWT) waa Naxariiste Towbada aqbala laakiin dadku ma oga adduunyada in qofkaas dembiilaha ah loo dembi-dhaafay iyo in kale.
قال الله تعالى: (ومن يقتل مؤمنا متعمدا فجزاؤه جهنم خالدا فيها وغضب الله عليه ولعنهوأعد له عذابا عظيما)
Somalida waxaa la dhahaa inay 100% Muslim tahay, haddana marka ay ka hadlayaan qof madax noqday oo nafta ka jaray dad badan oo Muslimiin ah waxay ku bilaabaan hadalka: “Hebel, Ilaahay ha u naxariistee.”
Waxaan rabaa inaan Culimada Somaliyeed weydiiyo seddexda su’aalood ee soo socda:
Su’aasha kowaad:
Ma saxbaa in loo duceeyo qof Allah (SWT) ugu ballanqaaday inuu Jahannaama ku waarayo dil kas ah oo uu u geystay qof Muslim ah ama dad Muslimiin ah awageed?
Su’aasha Labaad:
Haddii dilaaga noocaas ah ee Allah (SWT) u ballanqaaday inuu ku waarayo Naarta Jahannama loo duceeyo iyaga oo ay maqlayaan dhallinyarada iyo carruurtu miyaanay ku dhiirigelinayn inay iyaguna galaan dembiyo xun marka ay madax noqdaan mustaqbalka maadaama loo ducaynayo oo ay rumaystaan in loo dembi-dhaafay?
Su’aasha Seddexaad?
Qofka u duceeya dembiile dilaa ah oo uu ogyahay in Ilaahay (SWT) dilaagaas ugu ballanqaaday inuu ku waarayo Naarta Jahannama, qofkaas ducaynaya miyaan dembi ka soo gaadhayn maadaama aanu ogayn in dilaagaas Ilaahay (SWT) towbada u aqbalay iyo inkale?


Aqoonyahan: Ibrahim Hassan Gagale.