Gabar Soomaali ah oo xadgudub loogu gaystay Starbucks ku yaalla Minnesota
Posted by ifraax on July 08 2020 03:00:00

Gabar Soomaali ah oo deggan gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa magaca Kooxda ISIS loogu qoray cabitaan ay ka dalbatay maqaayadda Starbucks.


Extended News

Gabar Soomaali ah oo deggan gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa magaca Kooxda ISIS loogu qoray cabitaan ay ka dalbatay maqaayadda Starbucks ee ku dhex taalla dukaanka wayn ee Target ee magaalada St. Paul ee caasimadda gobalka.

Gabadhan oo magaceeda ku koobtay Caa’isha iyo hay’adda CAIR ee u doodda xuquuqda muslimiinta Mareykanka oo shir ja’raaid wada qabtay, ayaa si kulul u dhaleeceeyay maamulka Target oo ay sheegeen inay dafireen xadgudubka loo gaystay Caa’isha.

Caa’isha iyo CAIR ayaa ku baaqay in shaqaalihii cabitaanka ku qoray ISIS shaqada laga eryo.

 

 

Hargeysa Online