Aqal Ku Soo dumey xaafada xamarweyne oo la raadinayo dadkii deganaa.
Posted by abdi on July 21 2020 02:45:32

Guri dabaq ah oo ka koobnaa seddex biyaano, kuna yaallay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay qoysaskii ku noolaa. 


Extended News

Guri dabaq ah oo ka koobnaa seddex biyaano, kuna yaallay degmada Xamar weyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku dumay qoysaskii ku noolaa. Waxaana socda gurmad samata bixin ah, oo ay sameynayaan kooxaha badbaadada iyo maamulka degmadaasi oo kaashanaya shacabka.




Dhowr qof oo dhaawac ah ayaa lagasoo saaray bur-burka hoostiisa, waxaana weli la baadi goobayaa dad badan oo ku hoos jira dhismaha dumay.



Lama oga illaa iyo hadda wax-yaabaha keenay inuu guriga dumo. Laakiin waxa uu kamid yahay dhismooyinka qadiimiga ah ee ku yaallla degmada Xamar weyne. Waxaana iska leh mid kamid ah xildhibaannada Baarlamanka aqalka hoose , sida ilo lagu kalsoonyahay ay u sheegeen Hargeysa Online.



Guddoomiyahii hore ee degmada Xamar weyne Cumar Shariif Jeeg oo ka hadlayay muuqaal toos ah oo uu telefashinka Universal baahiyay ayaa waxa uu ku sheegay in nabadoonka beelaha Banaadiriga uu ku jiray guriga caawa Xamar weyne kusoo dumay dadkii deganaa.

Weli si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay bur-burka gurigaas.


Hargeysa Online