Mahdi Guuleed oo loo Magacaabay Ra'isulwasaare KMG ah.
Posted by abdi on July 26 2020 03:19:04

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ra'isulwasaare si kumeel gaar ah ugu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed.


Extended News

Wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ra'isulwasaare si kumeel gaar ah ugu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), una xilsaaray inuu sii wado howlaha xukuumadda.


Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu madaxweynuhu tallaabadan qaaday si aysan “hakad u gelin qorsheyaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta ee dalka,” inta laga soo magacaabayo ra’iisulwasaare cusub.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ahaa Ku-xigeenka Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 2017-kii.

Ra’iisulwasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maanta waayay kalsoonidii baarlamaanka ka dib markii cod loo qaaday ayna 170 xildhibaan codkooda kala laabteen sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aqbalay kalsooni kala noqoshada xukuumaddii uu hogaaminayay Xassan Cali Kheyre.

Dhanka kale, qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo in doorasho ay waqtigeeda ku dhacdo ayna noqoto mid ay dhinacyadu heshiis ku wada yihiin.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu danbeyn, qoraalka ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay meel marinta qodobadii ka soo baxay shirkii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada dhowaan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

 


Hargeysa Online