Guddoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in Hasan Ali Khayre lagala laabtay kalsoonida
Posted by abdi on July 26 2020 03:26:48

Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo.


Extended News

Guddoomiyaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Fadaraalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ay ku fashilantay shaqooyin laga rabay iney qabato sidaas darteedna , golaha aqalka hoose ee Baarlamanka dalka uu maanta kalsoonidii kala noqday.




Waxa uu sheegay in xildhibaanno gaaraya 178 mudane ay yimaadeen kulankii maanta ee Baarlamanka waxaana codka kalsooni kala noqoshada loo qaaday xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre uu hoggaamiyo.

“Waxaa kalsoonida kala noqday 170 xildhibaan, waxaa diiday 8 mudane, ma jirin cid ka aamustay” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.

Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre ay ku fashilantay ka shaqeynta doorasho qof iyo cod ah , in ciidamada dowladda Soomaaliya ay hanan waayeen amniga dalka , arrinta maqaamka caasimadda iyo afti u qaadidda iyo meel-marinta dastuurka iyo ugu dembeyn hir-gelinta axsaab siyaasadeed oo saami ku yeelata hannaanka geeddi socodka dalka.

Ugu dembeeyn waxa uu Guddoomiye Mursal ka codsaday madaxweyne Farmaajo in uu soo magacaabo ra’iisul wasaare cusub .

 

 

Hargeysa Online