Iskashiga Dhaqaale ee Somaliland iyo Taiwan.
Posted by ifraax on July 24 2020 03:00:00

Waxa ugu mihiimsan ee Ictiraafku Somaliland kala maqanyahay waa maal-gashi calamiya. Mal-gashi labada dhinacba ka faa’iidi karan.


Extended News

Waxa ugu mihiimsan ee Ictiraafku Somaliland kala maqanyahay waa maal-gashi calamiya. Mal-gashi labada dhinacba ka faa’iidi karan, waa in dawlada iyo shirkadaha gaar loo leeyahay ee Taywan ku dhiiradan in ay maal-gashadan Somaliland.


Somaliland waa xudunta aduunka, waana gate-wayga qarada Afrika, lakiin u bahan siddii ay calamka xidhiidh ula samaysan lahayd. Halka ay Taywana tahay dal horumar wayn gaadhay, dhaqaalo badan haysta caalamkana xidhiidh dhaqaale ka dhexeeyo, lakiin qarada Afrika tageero badan ku lahayn.

Haddaba, si iskashigani u hana qaado waxaa Somaliland looga bahan yahay inay samayso labada hay’adood ee dhibida u tagaya horumarka iyo maal gashiga. Labadani hay’adoo oo kala ah; Bangi Horumarinta Somaliland iyo Suuqa samiyada Somaliland.

Bangi Horumarinta Somaliland wuxuu noqonayaa xafiiska maamulaya dhaqaalaha maal-gashiga, isla markana dusha kala socoda mashruucyada dalka laga hirgalinayo. Halka, xafiiska suuqa samilaydu noqonayo mid samiyo u qaybiya mashruucyada dalka laga hirgaliyo. Isla markan, soo xula gudiyada maamulaya mashruucyadani ama Board of directors.

Haddaba, mashruucyada ay Somaliland u bahan tahay waxa ay kala yihiin:

Warshada Sibidhka (Waxaa lagu qiimayay inay ku baxayso US$100 Million).

Warshada Sibidhka ee Berbera waxay inagu noqotay mashruuci Faanoole. Warshada sibidhku waxay ahayd in bari hore inagu isku nimadno oo hirgalino. Lakiinse taasi ma dhicin. Mashruucani waa in aynu dalka Taywan la kaashano hirgalin teeda. Haddaba, labada mid ama obshan (options) mid noqdo:

In Taywan maal galiso, ay hirgalisan ama in aynu dhaqaalaha ka amaahano, oo inagu hirgalino. Kadibna, samiyo loo qaybiyo dadku iibsadan. Haddaba, haddii samiyada la wada iibsan kari waayo, marka inta hadha dawladu yeelato. Lakiin waa in tartiib tartiib dadka uga iibiso. Haddii kale waa,

In mashruucani noqdo mid Somaliland iyo Taywan iska kashadan, oo ku shuraakooban, sida mashruuca dekada Berbera ee Somaliland iyo DP World ku shurakooben oo kale. Lakiinse shurakadu noqoto 50/50. Taasi half ay Taywan yeelanayso (equity ahaan), half-ka kalana dawladu Somaliland yeelanayso. Haddaba, qaybta dawladu waa in ay samiyo u qaybiso dadku iibsadan. Hadii dadku wada iibsan kari wayan, marka inta hadha dawlada Somaliland yeelato. Lakiin waa in tar-tiib tiib dadka uga iibiso.

Warshad Korantada oo Dhuxul dhagax ku shaqaysa (US$350- US$450 Million).

Dalka Taywan 30% laydhkeeda waxay ka dhalisa dhuxul dhagax. Marka, waana dalka 14-aad isticmaala dhuxul dhagaca. Dalka Taywan isku cel-celis qiimaha laydhku wuxuu ka yahay US$7 Cent/Kwh (7 Cent Unit-kii). Halka marka ay Nuclear ka dhaliyan uu yahay US$1.9 Cent/Kwh. Dhuxul-dhagaxdana US$7 Cent/Kwh iyo Gaastana (Natural Gas) US$11.25 Cent/Kwh. Haddaba, sida ay u isticmaalan korantada waa: 18.2% dadka, 54% warshadaha, iyo 18.5% bayac mushtariga.

Marka aynu doonayno inuu dalkeenu warshado yeesho waa in marka hore aynu helno koranto jaban. Teeda kale, warshad sibidhku waxay u bahan tahay koranto badan, sida kaliya eey warshada sibidhka Berberi isku bixin kartaa waa in la helo koranto aad u jaban. Haddii kale sibidhka dalalka dibada laga soo iibsado ayaa ka jabnaanaya, loomana bahna in warshada sibidhka la kiciyo.

Haddaba, dalkeena waxaa lagu sheegay inuu dhuxul dhagax leeyahay. Sidaa daradeed, waa in aynu waydiisano Taywan inay inoo maal-galiso. Marka, haddii aynu la soo baxno, iyagu way inaga iibsan lahaayeen inaguna waynu isticmaali lahayn. Dhaqaalaha aynu ka amaahanayna si fudud ayaynu ugu celin lahayn.

Teeda kale, waxaan warar xogagaal aan ku helay, in sharkad Shiina laga leeyahay ay dalka timid, wadayna qorshe dhuxul dhagaxda dalkeena ku jirta ku soo saran. Kadibna, koranto dalka oo dhan gaadha ka dhaliyan. Sharkadasi iyada oo hawshani wada ayay dawlada Somalia dacwaysay, sida ayayna dalka uga baxeen.

Marka, mashruuca warshada laydh ee dhuxul dhagaxda ku shaqaysa waa in maal-gashigeeda Taywan waydiisano. Haddii dhuxul dhagaxda dalkeenu ku jirto, waynu wada isticmaali doona. Haddii kalana sida Taywan ayaynu dibada uga soo iibsan karnaa. Haddaba, warshada laydh waxay noqon kartaa mid korantadeena dalka intiisa badan gadho.

Haddaba, marka la hirgaliyo warshada laydhka waa in sida warshada sibidhka labada obshan (options) een kor ku xusay la raco. Teeda kale, sharkadaha korantada ee dalka ka jira waa in ay qayb ka noqdan warshada korantada. Sida daradeed, waa in marka hore hantidooda la qiimeeyo, kadibna samiyo loogu badalo. Sidaana dalku u yeesho hal sharkado oo koranto ah, oo dadka lacag jaban laydhka kaga iibisa.

Saliida iyo Gaas (Oil & Gas)

Sharkada CPC waa sharkad ay leedahay dawlada Taywan. Sharkadani waa mid baadha, qoda, safaysa (Refineries), isla markana iibisa Betrool iyo Gaas (Oil & Gas). Teeda kale, Taywan waxay dalkeeda ka soo saarta saliid (28,000 barrels maalintii). Waxayna isticmaasha 1.1 Million baller oo saliida.

Somaliland waxaa lagu sheegaa in ay ku jirto Saliid iyo Gaas. Teeda kale, waxaa la inoo sheegay in ay dhamaatay wajigii badhidu, oo wajiga qodida loo gudbay.

Haddaba, sharkadaha la siiyay in ay dalka Saliid iyo Gaas ka qodan waa in ayna wakhtiga inaga lumin ey qorshaha iyo wakhtiga ay ku qodayaan soo bandhigan, haddii kale waa in Taywan aynu la kashano siday Saliida iyo Gaas-ta dalkeena ku jira ula soo bixi lahayn, haddii wax ku jirana iyaga uga iibin lahayn.

Mida kale, qiimihii betroolkii calamka hoos ayuu u dhacay, waxaana la sahadalinayaa in sanad ama laba sano qiimuhu Saliidu aanu kici doonin. Teeda kale, dalka Maraykanka Sharkado badan oo Saliid qodi jiray ayaa kacay, riigagii-ceelasha ay ku qodayeena way iska tiirsan yihiin, dadka ku shaqaynayay way shaqo la’ yihiin. Marka hadda waa marka ay ugu fiican tahay ee aynu si jaban ula soo bixi karno Saliida iyo Gaas-ta dalkeena ku jirta. Dhaqaale yar ayaa inaga xiga, haddaba waa in aynu dhaqaalaha Taywan ka soo amaahano. Wakhtiga qiimaha saliidu hooseeyo waa inta aynu la soo baxayno, marka ay qiimuhu kacdana waynu iibin karnaa. Haddii Saliida iyo Gaas Illahay ina siiyo.

Biyo-Xidheeno (Dams)

Dooxyada dalkeenu sanadkasta baabuur iyo dad ayay qaadaan. Sida daradeed, waxay u bahanahay in biyo-xidheeno yar yar dalka ka hirgalino. Tusaale ahaan biyo xidheenka Turkigu Jabouti ka hirgaliyay, waxay inoo sheegeen in lagu dhisay US$20 million. Haddaba, waxaan qabaa in 6 biyo-xidheen oo kaasi ka yar-yar aynu dalkeena ka hirgalin karno. Dhaqaalaha ku baxayana soo amaahano.

Haddaba, si biyo-xidheenadi isku bixiyaan, waa in beero-waawayn, oo 10,000 -20,000 hector ah, laga sameeyo degana biyo-xidheena laga hirgaliyo. Beero aynu ku beerano dagala aynu cuno iyo dalaga xoolaheenu cunaaan. Haddaba, waa in aynu Taywan waydiisano maal galinta mashruucyadani iyo siday inooga cawin lahayd sida aynu mashruucyada beeraha u hirgalin lahayn.

Haddaba, marka mashruucayadan Beeraha la hirgaliyo waa in sida warshada sibidhka iyo laydhka loo qaybiyo samiyo, si dadku u iibsadan.

Industrial parks.

Taywan waa dalalka xaga warshadaha calamka ugu horu marsan. Horumarka dalka Shiinaha waxa sabab u ahaa maal-gashiga Taywan iyo Hong-Kong.

Teeda kale, sharkado badan oo Taywan laga leeyahay ayaa degan dalka Shiinaha, waxaana u shaqeeya malaayiin qof oo Jayniis ahi. Hadaba, xidhiidhka Shiinaha iyo Taywan oo sii xumanaya awadeed ayay sharkado badan oo Taywan laga leeyahay iskaga guurayan dalka Shiinaha, una guurayaan dalalka Asiyada kale.

Haddaba, Taywan waxay sheegtay in ay Somaliland ka cawin doonto, IT iyo waxyaabo kale. Markaa waa in Somaliland waydiisato sidaynu iskaga-kashan lahayn warshadaha, khasatan kuwa electronics iyo dharka (Textile). Sharkadaha Taywan Somaliland uga samayn lahayeen Industrial park.

Shaqooyin Industrial park waxay u banaanayaan kuwa aladaha electronica isku xidh-xidha (assembly-lines) ama kuwa dharka lagu tolo. Mashruucani wuxuu shaqooyin u abuuri karan dhalinyaro Somaliland ah ee shaqada la’. Mida kale, alaabta ama dharka lagu farsameeyo Industrial park waxaa si fududu loogu kala diri kara qarada Afrika, Bariga dhexe iyo Yuruba.

Dalka Itoobiya waxaa ku yaala toban (10) Industrial parks, oo uu ka mid yahay Hawassa Industrial Park. Haddaba, Hawassa Industrial parks waxaa dagan 50 sharkadood oo calamiya oo kuwa dharka ah, waxaana ka shaqeeya 60,000 qof, sanadkiina waxaa Itoobiya ka soo gala US$ 1 Billion. Haddaba, marka alaabta la keenayo Hawassa Park waa in baabuur laga soo qado, dharka ay farsameeyana, waa in baabuur lagu qaado oo dekada lagu geeyo. Halka ay Somaliland baabuur alaabtooda qada uma baahna, waayo dekada Berbera ayaan ka fogayn. Taasina waa faa’iido uu park-ga Somaliland laga hirgaliya uu dheer yahay kuwa Itoobiya ku yaala.

Gaba gabadii, inkasta oo dalka Taywan dhaqaalo badan haysato, uuna yahay dal madaxbanaan, haddana dalka Shiinaha oo ka dhaqaalo badan, kana awood badan ayaa sheeganaya. Somaliland xidhiidh ay dalka Shiinaha la yeelato, waxaanay ka doorbiday ka Taywan. Sida daraadeed, Tawyan waa inay Somaliland ugu abaal gudo maal-gashiga Somaliland sida aad ah ugu bahan tahay.

Haddaba, waxaan qabaa haddii aynu mashruucyadani hirgalino in sanad ama laba sano gudahood lacagta Taywan ka amaahano aynu u celin karno, mashruucyadana noqon karan kuwo dadka iyo dawlada Somaliland badan kooda leeyihiin. Dadkeeduna shaqooyin badan ka heli karo.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taywan wuxuu noqon doona mid tijaabo ah, haddii labada dhinac ku qancan iskashigooda, waxaa hubaala in dalal badan oo Afrika iyo dalalka saddexaada oo xidhiidh la hel dalka Shiinuhu ka wareegi doonan. Haddii kale waxa guulaysan doona dalka Shiinaha.

Haddaba, guusha iskashigani kuma xidhna waxa ay Taywan fuliso. Lakiin wuxuu ku xidhnaan doona waxa ay Somaliland laga rabo in ay fuliso. Sida daradeed, waa in Somaliland marka hore qabyo tiro sharciyada ka qabyada ah, sida sharciga maal-gashiga iyo Bangiyada. Teeda kale, doorashadan la filayo in lagu doorto Golayaasha Wakiilada iyo Degan oo la jaan qadi kara horumarka Somaliland hiigsanayso.

Maraykanka ayaa ku maah maaha ‘Don’t bring a knife to gunfight’ oo af-Somaliga ku noqonaya ‘dagaal xabad la isku adeegsanayo midi ha ula tagin’.

Haddaba, marka aynu rabno in aynu calamka la tartano ama dhaqaalahooda inagu aminan waa in ay arkan dawlada iyo golayaal ay hogaaminaya dad wax kala garanaya. Lakiin ma ah in aad ka horgaysid dad jahilin oo waxa calamka ka soca iyo waxa la kala macashayo ogayn. Sida daradeed, haddii doorashadani Somaliland ay ku soo baxan golayaal kuwa iminka jooga la mida ama ka liita, marka dadka Somaliland halka is dhigto iyaga ayaa ka masuula. Dambiga ugu wayna waxaa leh kuwa hogaamiya xusbiyada iyo dadka soo xulay iyo kuwa u codaya dadkaasi.

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!

OMAR A YOUSUF

OAKLAND, CALIFORNIA

 

  Omaryousuf455@gmail.com