Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Posted by xaaji on August 03 2020 23:25:56

Qarax is-miidaamin ahaa ayaa maanta ka dhacay magaaada Mqudisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.


Extended News

Qarax is-miidaamin ahaa ayaa maanta ka dhacay magaaada Mqudisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in qaraxan lala beegsaday maqaayad ku taalla degmada Xamar Jabab oo lagu magacaabo Luul Yemeni.

 


Wararka dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in qof is-miidaamiyey uu isku qarxiyey maqaayaddaas oo ku taalla meel u dhow dekedda. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dacay albaabka maqaayadda.

Khasaare nafeed ayaa la sheegay inuu goobta ka dhacay, waxaana la xaqiijiyey dhimashada laba qof oo ilaalo ka ahaa maqaayadda.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay xilli qado ah oo maqaayadda ay dad badan ku sugnaayeen.

 

Hargeysa Online