Xasan Shiikh oo Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntalnd.
Posted by abdi on September 02 2020 23:02:08

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


Extended News

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud,  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo madaxweynahii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay magaalada Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni.

Mas'uuliyiinta kulanka yeeshay ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda siyaasadda dalka,  marxaladda kala guurka ah iyo arrimaha doorashadaa Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni oo hadda Muqdisho u jooga kulan lagu wado inuu la qaato madaxweynaha Soomaalya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si loosoo af-meero khilaafka u dhexeeya dowlad Goboleedyada Puntalnd, Jubaland iyo dowladda dhexe.

Inkastoo ay kulmeen mas'uuliyiintaan haddana Warbaahinta si guud ugama aysan sharraxin waxyaabaha intaan dhaafsiisan oo ay ka wada hadleen. 

Hargeysa Online