Maamulka Puntland Oo La Wareegay Kaadhadhkii Codbixinta Doorashooyinka Somaliland.
Posted by ifraax on May 31 2021 03:00:00

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyey inay la wareegeen kaadhadh lagaga codaynayey doorashooyinka somaliland.


Extended News

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa shaaciyey inay la wareegeen kaadhadh lagaga codaynayey doorashooyinka somaliland.

 

ciidamada Puntland ayaa soo bandhigay kaadhadhka codbixinta ee doorashooyinka somaliland oo ay kala wareegeen deegaano ka tirsan somaliland oo lagaga codayn lahaa.



telefishanka maamulka Puntland ayaa war uu baahiyey ku sheegay in ciidamadu ay kaadhadhkan ka soo qabteen deegaano si dhuumasho ah lagu soo galiyey oo la doonayey in la soo gaadhsiiyo sanaaduuqda codaynta.



warka telefishanka ayaa lagu yidhi "
Ciidamada difaaca Puntland ee gobolka Cayn ayaa hawl-gallo ay sameeyeen waxay kusoo qab-qabteen kaararka codbixiyayaasha Somaaliland iyo gawaari siday, kuwaa oo si dhuumaalaysi ah lagusoo galiyay deegaanno hoos yimaadda gobolka.


Hargeysa Online