Waxaynu maanta soo afjarayna baarlamaankii ugu tayada yaraa ee ugu da'ada wayna adduunka.
Posted by ifraax on May 31 2021 03:00:00

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in doorashadani soo afjarayso barlamaankii ugu wakhtiga dheera uguna tayada xumaaa adduunka.


Extended News

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in doorashadani soo afjarayso barlamaankii ugu wakhtiga dheera uguna tayada xumaaa adduunka.

 


Guddoomiyaha ayaa golaha wakiilada ee hada jooga ku tilmamay kuwii ugu tayada xumaa abid.

"Waxaynu maanta soo afjarayna baarlamaanki igu wakhtiga dheera uguna tayada xumaa adduunka" ayuu yidhi.

"Dhibaato ayuu dalka ku noqday Alle qaar khayr qaba ayuu inoogu badali doona" ayuu hadalkiisa ku daray
Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale golaha wakiilada ee hada jooga ku eedeeyay in ay galeen danbiyo musuq maasuq.

"Xaaran bay cuneen oo calooshooda dhuxulo daba ayay ka buuxiyeen wayna nu ka daba tagi doonaa" ayuu yidhi.

Guddoomiyaha ayaa hadalkan ka jeediyay xarunta shaqaalaha Somaliland ee Hargaysa oo uu codkiisa ka dhiibtay.


Hargeysa Online