Somaliland oo looga dareeray cod bixinta doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.
Posted by ifraax on May 31 2021 03:00:00

Dadwaynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray cod bixinta doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada.


Extended News

Dadwaynaha ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland, ayaa saaka si rasmi ah ugu dareeray cod bixinta doorashooyinka isku sidkan ee deegaanka iyo wakiilada.


Cod bixiyayaasha ayaa safaf dhaadheer ugu jira sidii ay cod kooda u dhiiban lahaayeen, iyadoo qaarkood ay xarumaha cod bixinta yimaadeen galinkii danbe ee xalay si ay codkooda xili hore u dhiibtaan.

In kabadan 1 milyan oo qof ayaa isla maanta ka codayn doona 2709 goob doorasho guud ahaan Somaliland.

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa codkooda ka dhiibtay xarunta hay'ada shaqaalaha Somaliland ee Hargaysa, waxayna bulshada ugu baaqeen in ay si nabada ku codeeyaan, iyagoo sheegay in caalam ku indhaha ku hayo doorashooyinka Somaliland.

2021531637580272131062703.jpg

2021531637580272454192388.jpg

2021531637580272747013285.jpg

2021531637580272981718431.jpg

2021531637580273210708343.jpg

2021531637580273480830846.jpg

2021531637580273731040562.jpg

2021531637580273941422397.jpg

2021531637580274492643746.jpg

2021531637580274706438551_1.jpg



Qof kasta oo cod bixiye ah ayaa xaq u leh in uu u codeeyo laba musharax, oo u kala sharaxan golaha deegaanka iyo golaha wakiilada ee Somaliland.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee Somaliland laga qabto, iyado markii hore doorasho kasta kaligeed la qaban jiray.

 


Hargeysa Online