Golaha Wakiilada xubnaha gobolka Sool oo lagu dhawaaqay.
Posted by abdi on June 03 2021 22:18:51

Rasaas cirka loo ridayo ayaa markeliya ka bilaabantay magaalada Laascaanood kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Golaha wakiilada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool.


Extended News

Rasaas cirka loo ridayo ayaa markeliya ka bilaabantay magaalada Laascaanood kadib markii lagu dhawaaqay natiijada Golaha wakiilada Somaliland ee ka soo baxay gobolka Sool.

 


Dadka soo baxay oo ahaa 12 xubnood ayaa xibiga Kulmiye waxa 5 ayuu helay, Wadanina waxa uu helay 4 halka UCIDna uu helay 3 xubnood, waxaana ka mid ah xubo muhiim ah oo taageero bulshada dhexdeeda ku leh.

Taageerayaasha Yaasiin Xaaji Maxamuuf Xiir iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed Dawdar oo labaduba u sharaxan Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ayaa ah kuwa ugu codka badan halka Mukhtaar Ibraahin Xabashi uu yahay ninka soo raaca ee taageerayaashoodu dabaaldega bilaabeen markii ay soo baxday natiijada gudigu soo saareen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira cabashooyin ka imaanaya musharixiinta qaarkood sida hadal haynta suuqa ka muuqanaysa.


Hargeysa Online