Xukuumada Somaliland oo ku dhawaaqday furista ururada siyaasada.
Posted by abdi on December 13 2021 00:10:49

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay caasimada Hargaysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay.


Extended News

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta kula hadlay caasimada Hargaysa, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay furanyihiin ururadii siyaasadu.

Wasiir Koore ayaa isaga oo ku hadlaya afka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay furanyihiin ururadii siyaasada oo baryahan danbe xeerkooda muran ka taagnaa.

 

"Madaxweynuhu isaga oo ixtiraamaya sharciga dalka, isaga oo ixtiraamaya doonista dadweynaha, isaga oo fulinaya dastuurka, waxa uu aqoonsanyahay sida aynu hore ugu soo qaadanay xeerkii dowladaha hoose iyo ururada in ay furanyihiin ururadii siyaasadu" ayuu yidhi wasiir Koore.

Baarlamaanka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku khilaafsanaa dhaqan galnimada xeerka ururada siyaasada oo uu madaxweyne Biixi dib golaha ugu celiyay si qodobo kamid ah wax looga badalo.

Inkasta, oo dad badani ay hadal hayeen suurtagalnimada ururada siyaasada, hadana xisbiyada mucaaradka ayay tani layaab ku noqonaysa madaama oo ay u arkayeen in madaxweynuhu toos u aadayo doorashada madaxtooyada ka hor ta ururada.

 

Hargeysa Online