Al-shabaab oo dishay taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Posted by ifraax on January 10 2022 01:58:05

Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda.


Extended News

Taliyihii guutada 13-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Cali Maxamed Soocadde iyo saddex askari oo kale ayaa ku dhintay dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo iskaashanaya iyo maleeshiyada Al-shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Cadakibir ee gobalka Galgaduud.

 


Ciidamada iskaashanaya ayaa weeraray deegaanka Cadakibir, halkaas oo maleeshiyada Al-shabaab ay ku suganaayeen.

Al-shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday deegaanka Baxdo oo u dhow Cadakibir, halkaas oo dadka deegaanku ay sheegeen inay gaarsiiyeen jab xoog leh.

 

Hargeysa Online