Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka oo goordhaw laga soo saaray War murtiyeed.
Posted by ifraax on January 08 2022 03:00:00

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirkii uga socday magaalada Muqdisho lixdii maalmood ee lasoo dhaafay.


Extended News

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa goordhaw si rasmi ah u soo gabagabeeyay shirkii uga socday magaalada Muqdisho lixdii maalmood ee lasoo dhaafay.

 

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkooda kasoo saaray War mrtiyeed ka kooban 18 qodob oo dhamaantood quseeya arrimaha doorashada dalka.

War murtiyeedka Golaha Wadatashiga qaran kasoo baxay waxaa ka mid ahaa qodobadiisa in la cadeeyay waqtiga doorashada Golaha Shacabka loogu talogalay in lagu soo gabagabeeyo oo ay ku sheegeen 15-ka bishaan Janaayo ilaa 25-ka bisha soo socota ee Febaraayo.

Waxaa sidoo kale qodobada ka mid ahaa arinta amniga oo la sheegay in ciidamada AMISOM ay xoojinayaan amniga madaxtooyada Soomaaliya.

 

Hargeysa Online