Haweenay la weysanaa muddo maalmo oo maydkeeda laga helay Boosaneer.
Posted by abdi on June 06 2022 08:35:13

Ciidamada nabad sugida koonfur Galbeed ayaa haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud waxay meydkeeda kasoo saareen Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.


Extended News

Ciidamada nabad sugida koonfur Galbeed ayaa haweeney lagu magacaabo Aamino Maxamuud waxay meydkeeda kasoo saareen Suuliga xaafad ka tirsan magaalada Baydhaba ee gobolka Baay.


Baaritaan socday maalmihii lasoo dhaafay, ayay Ciidamada Nabad sugidda Koonfur Galbeed ku guuleysteen in meydka marxuumada laga helo boosaneer uu ku riday nin laamaha amnigu sheegeen inuu ka dambeeyay dilkeeda.

Baarista horudhac ah ee kiiskaan waxay sheegaysaa, in Ninka falkaan ku eedeysan oo haweeneyda dhimatay ay ku lahayd lacago dayn ah oo aad u badan uu ugu yeeray gurigiisa, kadibna uu dilay, islamarkaana maydkeeda wuxuu ku riday Boosaneerka gurigiisa.

Booliska waxay sheegeen Darawal Bajaajle ah oo haweenayda geeyay guriga falka ku dhacay in lasoo qabtay oo kadibna uu laamaha amniga geeyay guriga lagu dilay. Waxayna kadib booliisku ku guulaysteen in ay gacanta kuusoo dhigaan eedeysanaha.

Dhacdadaan ayaa la yaab ku noqotay dadka reer Baydhaba, waxaana socda baaritaano ay kiiskaan ku hayaan ciidamada Nabad Sugidda maamulka Koonfur Galbeed oo kaalin weyn ka geystay raadinta Meydka Marxuum Aamina Maxamuud.
Hargeysa Online