Suldaan Axmed Cismaan Cade Gude Oo caawa Lagu Xidhay Magaalada Hargeysa.
Posted by ifraax on August 21 2022 03:00:00

Suldaan Cade-gude oo kamida madax dhaqameedka Somaliland ayaa hadda lagu xidhay magaalada Hargaysa.


Extended News

Suldaan Cade-gude oo kamida madax dhaqameedka Somaliland ayaa hadda lagu xidhay magaalada Hargaysa.

 

Ilaa hadda lama oga sababta keentay xadhiga Suldaanka, balse suldaan cada-gude ayaa kamid ahaa madax dhaqameedka sida weyn mudaaridka ugu ah madaxwayne Biixi.

 

Suldaanka ayay ciidamo Boolis ahi qabteen   Xilli uu kusii socday gurigiisa magaalada Hargeysa, sida ay xaqiijiyeen ehelladiisa.

 

Xukuumada Muuse ayaa hore xabsiga ugu gurtay masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Mucaaradka Somaliland.

 

Ilaa hadana Xukuumadu kamay hadal Xadhiga Suldaanka.

 

Hargeysa Online