Galmudug oo sheegtay inay soo badbaadisay kalleemeysato ajaanib ah.
Posted by abdi on November 28 2022 03:40:53

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 20 kalluumaysato ah oo u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran, kuwaas oo horey looga qafaashay xeebaha Soomaaliya dhowr sano kahor.


Extended News

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay 20 kalluumaysato ah oo u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran, kuwaas oo horey looga qafaashay xeebaha Soomaaliya dhowr sano kahor.

Sida aan kasoo xiganay masuuliyiin katirsan Galmudug, Labaatanka qof oo dhammaantood rag ah ayaa gacanta ugu jiray kooxda Al-Shabaab, kadibna waxaa la sheegay in ay soo daayeen.

Lama garanayo qaabka lagusoo sii daayay, balse waxaa la sheegay in ciidamada Galmudug ay xalay ka qabteen kalluumaysatadan inta u dhaxaysa magaalooyinka Hobyo iyo Xaradheere .

Mas’uuliyiinta amniga ayaa sheegay inay dadkan la kala socdeen laba doonyood, isla markaana ay ka shaqaynayaan sidii loogu gacan gelin lahaa waddamadii ay u kala dhasheen.

Hawlgalka lagu soo badbaadiyey dadkan ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel u dhow degaanka Ceel-Huur.

 

Hargeysa Online