Xero ku taalla Baardheere oo qaraxyo lagu weeraray Maanta.
Posted by xaaji on June 21 2023 23:47:30

Qaraxyo khasaare gaystay ayaa maanta barqadii lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.


Extended News

BAARDHEERE — Qaraxyo khasaare gaystay ayaa maanta barqadii lagu weeraray xero ciidamada lagu tababaro oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo.


Qaraxyada, oo loo adeegsaday laba gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, ayaa lagu soo waramayaa inay gaysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada ay ku dhinteen 7 qof, islamarkaana ay 20 kale ku dhaawacmeen.

Xerada la weeraray ayaa waxaa maalmahan lagu tababarayay ciidamo la sheegay in ay weerari doonaan Jubada Dhexe oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Mas’uuliyada weerarka ayaa waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

 

Hargeysa Online