Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay soo gaaray waddanka Mareykanka.
Posted by abdi on June 22 2023 02:38:18

Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay soo gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya.


Extended News

WASHINGTON — Madaxweyna Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay soo gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Mareykanka.


Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

"Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Soomaaliya.

"Waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab."

Madaxtooyada ayaa intiaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale la kulmi doono madaxda Hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo uu weydiisan doono taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo 'gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Hargeysa Online