Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dablay dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax.
Posted by xaaji on July 31 2023 00:21:56

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay dablaydii dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax ayaa sheegay in anay wax dhibaato ahi dhici doonin.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay dablaydii dhawaan isku urursatay buurta Gacan-libaax ayaa sheegay in anay wax dhibaato ahi dhici doonin.

 


"Anuu waxan aaminsanahay in anay wax dhibaato ahi dhacayn, oo anay kabadnayn xafiiltan siyaasadeed oo marka doorasho la galayo isla leh" Madaxweyne Biixi ayaa sidaa ka sheegay madal lagu soo bandhigayay buug laga qoray Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo).

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dablayda buurta joogtaa aanu xaalkoodu ahayn sida warbaahintu uga waramayso "Sida ay idaacaduhu u dhigayaan xashaakallah, umad dhan oo dagaalamaysa oo waxa usoo jeedaa ma jirto, anaa taa idinka balan qaadaya".

Waxa uu sheegay in jabhadaha la sheegayo baraha bulashadu ay buun buuninayan, isla markaana ay tahay in dadku anay kala shakiyin oo anay istuhmin, waxa uu sheegay in doorashooyinku ay si nabadgalyo ah u dhici doonaan.

Madaxweynuhu saraakiil ka socday xisbiyada mucaaradka oo goobta fadhiyay ayuu u sheegay in ay ogolyihiin mucaaradadooda, isla markaana anay cabudhin doonin "Cabdiqaadir waa ogolnahay intii mucaaradada ahayd, intii Kulmiye uun ha dhaafina" ayuu yidhi Biixi.

Muranka doorashooyinka ayaa wali ka taagan Somaliland, isla markaana waxa wali laga warsugayaa halka uu xisbiga Waddani iska taagi doono jadwalkii doorashada ee dhawaan soo baxay, halka UCID uu ku kala jabay, xukuumada iyo ururaduna u sacabo tumeen.

 


Hargeysa Online.