Farmaajo: Waa waajib in laga qeyb galo dagaalka lagula jiro Alshabaab.
Posted by ifraax on August 30 2023 03:00:00

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka Ciidamadda Qalabka sida ay kula jiraan kooxda Alshabaab.


Extended News

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka Ciidamadda Qalabka sida ay kula jiraan kooxda Alshabaab.

Madaxweynihii hore, Farmaajo wuxuu sheegay howlgaladda dalka looga xoreynayo Shabaab oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, in ay waajib tahay in la garab istaago ciidanka xoogga  dalka Soomaaliyeed.


“Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri Farmaajo.
Waa markii ugu horreysay oo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hadlo gulufka colaadeed ee ay Dowladda Soomaaliya ay kula jirto Alshabaab, tan iyo markii uu xilka wareejiyay.
Xalay ayay ahayd markii madaxweyne Xasan Sheikh uu ku baaqay in af iyo addim looga qeyb qaato dagaalka dowladdiisu kula jirto Alshabaab. Madaxweynuhu wuxuu muujiyay in dagaalka Alshabaab uusan ahayn mid siyaasad laga dhex raadin karo, isagoo sheegay inuu yahay wax taabanaya jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.


Hargeysa Online