Finland oo qaadday tallaabo ay ku joojineyso muhaajiriinta ka soo gudba dhinaca Ruushka.
Posted by xaaji on November 18 2023 23:21:34

Dowlaada Finland ayaa maanta oo Sabti ah xirtay afar barood oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ruushka iyadoo ay Helsinki.


Extended News

Dowlaada Finland ayaa maanta oo Sabti ah xirtay afar barood oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ruushka iyadoo ay Helsinki dooneyso in ay joojiso qulqulka dad magangelyo-doon ah oo ay sheegtay in Moscow ay ka danbeyso.


Finland waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu dadka soo galootiga ah u soo dirayo Finland si uu uga aarsado go'aanka ay Finland ku kordhisay iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Mareykanka, laakiin eedeyntaasi Ruushku wuu beeniyay.

Ilaa 300 oo magangalyo doon ah oo u badan Ciraaq, Yemen, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa gaaray Finland toddobaadkan, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha.

Finland waxa ay Ruushka la wadaagtaa soohdin gaaraysa 1,340-km (833-mile).

Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, dadka magangelyo-doonka ee ka imaanaya Ruushka waxaa kaliya loo oggolaan doonaa in ay codsiyadooda ku gudbiyaan labada barood ee Salla iyo Vartius oo iyagu ah kuwo wali furan.