Soomaaliya oo laga cafiyay 99% deymihii lagu lahaa.
Posted by abdi on March 14 2024 16:26:35

Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% deymihii ay ku lahaayeen xubnaha Naadiga Paris Club ee dalalka deymaha leh in laga cafiyay.


Extended News

PARIS — Soomaaliya ayaa xaqiijisay in 99% deymihii ay ku lahaayeen xubnaha Naadiga Paris Club ee dalalka deymaha leh in laga cafiyay, sida ay kooxda Paris Club Arbacadii ay sheegtay, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada ay Soomaaliya ku doonayo inuu dib ugu biirto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.



Waddamo ay ka mid yihiin Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa kansalay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club oo ah hay’ad xiriir la leh wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah dalal badan oo deyn bixiyeyaal ah.

Soomaaliya ayaa xaq u yeelatay in ka badan $4.5 bilyan oo deyn cafis ah looga sameeyo dhammaan deymihii lagu lahaa, kadib markii uu soo gebagaboobay dadaalkii deyn cafinta ee ay kormeerayeen hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Bankiga Adduunka bishii December.


Soomaaliya ayaa gaartay heerkii “dhammaystirka” hindisaha barnaamijka deyn ka-cafinta dalalka saboolka ah deymaha badan lagu leeyahay (HIPC), ka dib markii laga saaray nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah in ka badan 30 sano oo ay asteeyeen xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.