Congress-ka Mareykanka oo ansixiyay sharci mamnuucaya TikTok.
Posted by abdi on March 14 2024 17:15:39

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok.


Extended News

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay.


Xeerkan ayaa Tiktok loogu qabtay muddo lix bilood ah inay kaga hoos baxdo shirkadda la sheegay inay geed fadhiga u tahay ee laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana ay isu dhiibto shirkad maxalli oo Mareykan ah si dowladda hantiwadaagga ee Shiinaha galaaliyo xogta muwaadiniinta mareykanka ee isticmaala Tktok.

352 mudane oo aqalka wakiilada ayaa haa ugu codeeyay sharcigan oo ka dhigan halistii ugu weyneyd ee Tiktok soo wajhda tan iyo maamulkii Donald Trump.

Tiktok ayaa waxaa isticmaal qiyaastii 170 milyan oo kamid muwaadiniinta Mareykanka oo dhalinyaro u badan kuwas oo qaarkood ganacsiyi ku dhex heysta. Madaxa Tiktok Shou Zi Chew ayaa sheegay in ilaa 300 oo kun shaqo shaqaale mareykanka jooga ay halis gali doonto shaqadooda haddii laga mamnuuco gudaha dalkan.