Yusuf garaad oo wariyanimadii wax ku waayey hadana u hanqaltaagaya in uu madaxweyne noqdo.
Posted by xaaji on August 07 2012 13:13:48

Yuusuf Garaad Cumar oo ahaa madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa iska casilay howshii uu ka hayay BBC-da muddo labaatan sano ah.


Extended News

Yuusuf Garaad Cumar oo ahaa madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ayaa iska casilay howshii uu ka hayay BBC-da muddo labaatan sano ah, kadib markii uu fariin uu soo dhigay Bogga uu ku leeyahay Aaladaha Twitter-ka iyo Facebook.

“20 sano ka dib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow moo sahal”ayuu yiri Yuusuf Garaad fariin uu soo dhigay Aaladaha Twitter-ka iyo Facebook.
Bartiisa facebook ayuu Yuusuf Garaad ku soo qoray warkan, wuxuuna sheegay in uu 20 sano kaddib maanta xilkaas ka ruqseystay.“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.
Yuusuf Garaad ayaa muddo badan damac siyaasadeed ku jirtay, waxaana dad badan oo aad ugu dhowaa ay sheegayeen inuu doonayo inuu isu soo sharaxo Madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo uusan ku dhawaaqin.
Is casilaada Mr Garaad ayaa ku soo beegantay, iyadoo 14-cisho ka harsan tahay xilliga KMG oo ay ku egtahay dowladda hada jirta, waxaana lagu wadaa inay bishan dhacdo doorashada Madaxtinimada Soomaaliya

Hargeysa Online Networks

New York,US