Somaliya Waanu Ka Wada Hadli Karnaa Arimaha Gooni Isku Taaga Iyo Inaanu Ku Biirno Oo Aanu Ka Mid Noqono Federaalka (Soomaliya) Sida Imaaraadka Carabta oo kale
Posted by xaaji on May 22 2011 12:26:07

Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka shaqaynayso sidii nabadgalyo loogu dhalin lahaa dalka Soomaliya.


Extended News

Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda uu ka tirsan yahay ay ka shaqaynayso sidii nabadgalyo loogu dhalin lahaa dalka Soomaliya.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay in nabadgalyo xumada ka jirta dalka Soomaliya ay sababtay in wax badani Somaliland u socon waayeen, sidaas daraadeedna ay aad ugu dedaalayaan sidii nabadgalyo Soomaliya looga dhalin lahaa.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar oo u waramay jariiradda GULF NEWS oo ka soo baxda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa waxa uu cadeeyay in Somaliland la midoobi karto dalka Soomaliya, isaga oo tilmaamay in marka dalka Soomaliya nabadgalyo ka dhalato ay kala hadli karaan gooni isku taaga iyo in Somaliland dib ula midowdo Somaliya oo ay ka mid noqoto federaalka

Wasiirka oo wariye magaciisu yahay Shakir Noori oo ka tirsan Gulf News waydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa qorshaha Somaliland ka leedahay inay dib ula midowdo Somaliya ayaa ku jawaabay “Xukuumadayadu aad ayay uga shaqaynaysaa sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Somaliya, waayo nabadgalyo la’aan waxba nooma soconayaan, markaa ka bacdi ayaanu ka wada hadli karnaa arimaha gooni isku taaga iyo inaanu ku biirno oo aanu ka mid noqono federaalka (Soomaliya) sida Imaaraadka Carabta oo kale.”ayuu yidhi wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa uu sheegay inay jiraan fursado siyaasadeed “Waxa jira fursado badan oo siyaasadeed laakiin nasiib daro haddii aanay nabadgalyo jirin wax wada hadal ah oo suurto-galayaa ma jiro.” Ayuu yidhi wasiirku.

Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxa kale oo ka hadlay dimuqraadiyadda Somaliland, isaga oo tilmaamay in Somaliland ay ka jirto xoriyad dhinaca hadalka ah, asxaab siyaasadeed, baarlamaan iyo waxyaabo kale oo cadaynaya dimuqraadiyadda Somaliland.

Wasiir Maxamed Cabdilaahi, waxa kale oo uu wargeyska Gulf-news u sheegay in hadda Somaliland dhaaftay heerkii bani-aadaminada wax loo siin jiray balse ay hadda marayso jidkii horumarka, isaga oo intaa ku daray in wadamada reer Yurub ay Somaliland wax badan ka caawiyaan.

Wareysiga uu wasiirka khaarajiga oo dheeraa, waxa kale oo uu ku sheegay in xukuumadoodu doonayso inay iskaashi la yeelato dunida Carabta.