Xukuumadda Kenya oo shaacisay inay qabatay ruux gudaha Kenya tababar ku siin jiray xubno taageersan Al-shabaab.
Posted by xaaji on April 14 2012 13:03:50

News ImageDowladda Kenya ayaa sheegtay in Khamiistii lasoo dhaafay ay xirtay Cabdullaahi Cabdulmaajid oo ay sheegtay inuu ahaa ruux tababar ku siin jiray gudaha Kenya xubno ka tirsan Al-shabaab.


Extended News

News ImageDowladda Kenya ayaa sheegtay in Khamiistii lasoo dhaafay ay xirtay Cabdullaahi Cabdulmaajid oo ay sheegtay inuu ahaa ruux tababar ku siin jiray gudaha Kenya xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ninkan oo 28-jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxyo ka dhacay xarun basaska laga raaco oo ku taalla magaalada Nairobi bishii hore, halkaasoo ay sagaal qof ku dhinteen tiro intaas ka badanna ku dhaawacmeen.

Kooxaha la dagaalama argagaxisada ee Kenya ayaa sheegay in ninkan uu markii hore ka tagay deegaanka Majengo ee Nairobi uuna aaday Mombassa, uuna dib ugu soo noqday xaafadda Islii ee Nairobi, halkaasoo ay kasoo qabteen, iyagoo sheegay in Cabdullaahi uu ku dhashay dalka Sucuudi Carabiya.

Afhayeenka booliiska Kenya ayaa sheegtay in ruuxan uu qorsheynayay inuu u dhoofo Soomaaliya si uu tababarro kale u soo qaato, iyagoo sheegay inuu horay tababarro ugu soo qaaday Soomaaliya.

"Ruuxan wuxuu tababarro isticmaalka bastooladaha iyo bambooyinka gacan ah uu siinayay 300 dhallinyaro Kenyan ah muddo saddex bilood ah," ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska Kenya.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo markii ay ciidamadooda soo geliyeen gudaha dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacayay qaraxyo iyo weerarro ay khasaarooyin badan kasoo gaartay dad shacab ah iyo ciidamada Kenya.