Sheekh Shariif oo Magaacaabay Guddiga Dowladda KMG Somalia uga qaybgalaya Wadahadallada Somaliland.
Posted by xaaji on April 14 2012 13:07:16

News ImageMadaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladda KMG ah uga qaybgalaya wadahadallada lala furayo Somaliland.


Extended News

News ImageMadaxweynaha Soomaaliya ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo dowladda KMG ah uga qaybgalaya wadahadallada lala furayo Somaliland, waxaana guddigan uu madax uga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Maxamuud Xasan.

Guddigan ayaa waxay ka kooban yihiin 10-xubnood, waxanaa madaxweynuhu uu magacaabay waxyar ka hor intii uusan saakay oo Sabti ah u dhoofin magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda ururka Midowga Afrika.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in guddigan ay wadahadallo la yeelan doonaan guddi ay SOmaliland u magacowday dhawaan wadahadallo lala galo dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isagoo sheegay inay ku kulmi doonaan magaalada London ee dalka Britain.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa isagu shalay u sheegay BBC-da in maanta uu magacaabi doono guddiga dowladda KMG ah ku matalaya wadahadallada, lamana oga in ra'iisul wasaaruhu uu ku raacsan yahay guddigan madaxweynaha iyo in kale.

Dhanka kale, madaxweynaha DKMG ah wuxuu ciidamada dowladda uga digay inay dhibaateeyaan shacabka, gaar ahaan haweenka indho-shareerka iyo jalbaabka wata iyadoo lagu eedeynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Madaxweynuhu wuxuu maxkamadda sare amar ku siiyay in askarigii la qabto isagoo dadka shacabka ah dhibaateynaya la horgeeyo maxkamad, isagoo sheegay inaysan ka ogolaanayn hay'adaha xuquuqda aadanaha inay howlahooda eedeymo u soo jeediyaan.